13 nin oo la sheegay inay damacsan yihiin qaraxyo oo soo galay Muqdisho – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay ka bilaabeen baaritaan iyo feejignaan amni kadib xogo amni oo la helay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo rag ah, kuwaas oo dhamaantoodba la sheegay in ay u xeranyihiin Jaakadaha Qarxa islamarkaana damacsan in xiliyo kala duwan ay weeraro ka geestaan goobo kala duwan oo Muqdisho ah. 

Hoteelo ku yaala Muqdisho, Maqaayado, Saldhigyo ciidan iyo xarumo dowladeed ayaa aad looga cabsi qabaa in raggaan ay weeraro ka fuliyaan, waxaana aad feejignaan loo geliyay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Xalay magaalada Muqdisho waxaa la xiray wadooyinka qaar iyadoo ilaa maanta aad loo baarayo gaadiidka raaxada ee gobalka Banaadir. Si gaar ah waxaa la baarayaa gaadiidka galaya Madaxtooyada Soomaaliya ama kuwa hormaraya Villa Somalia.

Baaritaanada iyo feejignaanta amni ee Muqdisho ayaa aad loo dareemay saacadihii la soo dhaafay, inkastoo dadka qaar ay u qaateen arrimo ciidan oo la xariira khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Tan iyo markii dowladda federaalka ay waddooyinka Muqdisho ku wada goysay dhagxaan, kooxda Al-Shabaab ayaa xeeladdeeda qaraxyada u wareejisay shaqsiyaadka isku xira jaakadaha qarxa, kuwaas oo ay adag tahay in laga hortago, waxaana kadib kordhay qaraxyada is-miidaaminta ah ee magaalada. 

Dadka fallanqeeya amniga ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan laheyn wax qorshe amni ah oo aan ka aheyn in waddooyinka ku goysay dhagxaan.