134 cisho kadib oo dib loo fasaxay duulimaadyada caalamiga ah ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka si rasmi ah dib u billowday duulimaadyada caalamiga ah ee dalka oo muddo 134 cisho hakad ku jiray, sababo la xiriira cudurka faafa ee Caronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay caalamka.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macalin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta la fasaxay duulimaadyada dibadda, islamarkaana ay u diyaar garoobeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay qasab tahay in rakaabka baxaya iyo kuwa soo dagaya inay xirtaan maryaha afka lagu xerto ee Face Maska, si loo xakameeyo Covid-19.

“Waxaan dhammaan fareynaa rakaabka baxaya ama kasoo degayo Garoonka Aadan Cade ay qasabtahay inay xertaan maryaha afka lagu xerto ee face Maska. Iyo sidoo kale gacmo gashiga iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Covid-19.” ayuu yiri Maareeye Axmed macalin.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay ay golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen in la qafiiyo xayiraadaha saarnaa dalka ee Coronavirus.