Faallo: Billowga dhamaadka madaxweyne FARMAAJO

Burburki ugu weynaa ee dal soo mara ayaa soo socda iyadoo ay xowli dheer ku socoto kala orod lagu raadinaayo booska Raiisul Wasaaraha. Dadka ku baratamaaya siyaasadda waxay illaabeen in waqtiga u dhiman xukuumadda maanta jirta ay ka yar tahay muddo lix bilood ah. Bal aan qiyaasno waxa dhici kara marka R/Wasaare cusub la magacaabo.

Waxaa billaabanaaya kala orod loo tartamaayo xilalka wasiirada. Tartanka dhexdiisa ayey dowladda Farmaajo waqtigeeda ku egyahay. Iyadoo tartanki xilalka wasaaradaha loolankoodi xoog leeyahay ayaa la wey doonaa meel wax loo wado iya cidda dalkaan xakumi doonta, mar haddii wixi dhisnaa ay dumeen dowladina ay meesha ka maqan tahay.

Madaxweynaha waqtigiisi wuxuu ku egyahay inta sannadka ka dhiman..xagee dowlad laga unki karaa haddii ximinihi fulinta oo dhan ay dheceen dalkina dowlad la’aan yahay?

Haddaba, waxaa meesha ka muuqda waa jaha-wareer aysan dadku  dareemin, waayoo waxaa ku sifownay ummad aan u jeedin khaladka ay dowladdu ku jirto, kaddib markii uu Madaxweyne Farmaajo magacabay R/Wasaare ku meel gaar ah. Waxaa halkaan ku kulmay sharci darro lagu riday R/Wasaare Kheyre oo ah tallaabo ka baxsan dustuurka ku meel gaarka ah…iyo weliba, ka-daroo-dibi-dhal, kaddib marki la magacaabay  sii-haye ay ciduna garaneyn sharciga loo cuskaday.

Waxaa dhabowday heesti ahayd LAMA MIIRAA LEY MUDAA WAA LAYGU MAADSADAA kaddib marki siyaasiyiinti dalka ugu culeyska badneed ay oggolaadeen wixi dhacay, iyagoo sharciyeeyay kaddib markii ay doonteen in jagada R/wasaaraha la siiyo jufooyinka tartamaaya midkood..waa khalad khalad ku sax, waana sababta adduunka oo dhan aan ka noqonay dad lagu maadeysto oo fashal iyo wixii xunba loo nisbeeyo.

Haddaba, sidee dalkaan looga badbaadi karaa burburka soo socda? Calaamadaha lagu garto DIKTATOORKA waxaa ka mida inuu iska indha-tiro sharciyada dalka u degsan oon qaarkood lagu dhaqmin iyo kuwa ku meel gaarka ah oo xadeeya awooda madaxda dalka ka talisa.

Haddaba, waxaa iga talo ah in laga hortago xeeldaha uu adeegsanaayo M/weyne Farmaajo ee ku saleysan sidi uu jagada ku heysan lahaa sanooyin badan, sida uu jedcel yahay.  Waxaa hubaal ah inuu adeegsan doono xeelad kasta uu ku xaqiijin karo himiladiisa kuna saleysan MUDDO KORORSI.

Ugu dambeyn, meelaha ay arrimihiisu ka fuli karaan oo uu isku halleynaayo waa BAARLAMAANKA oo ku sifoobay koox aad rakhiis u ah oo meesha u jooga inay ka qaraabtaan, iyadoo aysan jirin wax mabda’ ah ay ku kala sooci karaan xalaal iyo xaaraan, qaarkoodna iyagoo og ayey u bareeraan khaladka dowladdu ku jirto, waxay rabaan waa in afka loo buuxiyo oo kaliya.

Haddaba, Madaxdi sharafta lahayd ee halkaan na soo gaarsiiyay waxaan weydiisaneynaa in, iyaga oo kaashanaaya Madasha xisbiyada iyo madaxda axsaabta kale, ay ka hortagaan lana joojiyo magacaabid R/wasaare cusub oo arrimaha la damacsan yahay iyo rajada isbeddel ee la sugaayo ku ridi doona bohol aan laga soo bixi karin...ILAAHOW NAGA SOO GAAR!!!

Axmed Calasow – Waxaad kala xiriiri kartaa dr.alasso83@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid