Sirta ujeedka ay Turkiga u tageen Libya oo la shaaciyey

Tripoli (Caasimada Online) – Markii Madaxweynaha Turkiga uu sixiixay heshiiskii amniga sanadkii lasoo dhaafay si uu u taageero mid ka mid ah dhinacyadda ay u dhaxeyso colaadda sokeeye ee Liibiya, heshiis kale ayaa sugayay isla maalintaas waxaa uu ahaa isfah la xiriira in dib loo sawiro xuduudda badda ee labada Wadan.

Isfahamka uu sixiixay Recep Tayyip Erdogan, Turkiga iyo Liibiya waxay ku sheeganayaan inta ugu badan ee badda Mediterranean-ka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira. Turkigu waxaa uu heshiiskaas ku gaaray yool uu muddo hiigsanayay.

Saraakiil ka tirsan dowladda ay Qaramadda Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa shaaca ka qaaday waxa Turkiga ku dhiiri geliyay in uu taageero dagaalka Liibiya, isla marklaana uu kasoo horjeeto danaha Ruushka. Waxaa ay sheegeen in iyadoo xiriirku uu lagama maarmaan yahay, hadana duulaanka Turkiga uu ku saleysanyahay isdhaafsi naqshad dhaqaale.

Saraakiil dhowr ah waxay sheegeen in dhinacooda ay heshiiska wal-wal ku galeen, sanadkii lasoo dhaafay, iyagoo rumeysnaa in aysan dooq lahayn. Waxay aad ugu baahnaayeen xulifo ka caawisa dagaalka uu ku hayo Khaliifa Hafter, ee ay taageerayaan Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxay u ekeyd cayaar isii iyo qaado ah” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha dowladda Ra’iisul Wasaare Fayez Sarraj. “Waxay ka faa’iideysteen tabardaradeenii xilligaas.” Ninkaan iyo saraakiisha kale waxay qariyeen aqoonsiga, iyagoo badqabkooda u baqaya.

Turkigu Ciidan iyo kumanaan calooshood u shaqaysteyaal ah, ayuu u diray Libiya, kuwaas oo ciidanka Liibiya ka caawiyay in ay iska caabiyan duulaankii Jeneraal Khaliifa Hafer.

Laakiin doorka Ankara  waa dhinac ka mid ah sida ay awoodaha shisheeye uga faa’iideysanayaan, isla markana usii shidayaan colaadda ka taagan dalka Liibiya.

Ruushka ayaa dalkan u diray hub, qalabka difaaca cirka ah, iyo calooshood u shqayteyaal, kuwaas oo tageeraya dagaal oogaha Libya Jeneraal Khaliifa Hafter. Ruushku waxaa uu beeniyay in door uu ku leeyahay colaadda Liibiya.

Sarkaal Liibiya u dhashay oo AP uga waramay sida ay dowladda Tripoli ugu tiirsantahay Turkiga ayaa yiri “halkaan ma aanan gaari lahayn hadii uusan Jeneraal Hafter nasoo weerari lahayn.”

Sraakiishu waxay sheegeen in Turkigu uu muddo sanad ah dowladda Libya ku riixayay in ay ogolaato heshiiska badda, laakiin Ra’iisul Wasaare Sarraj uu diidayay. Qayb ahaan waxaa uu u arkayey in uusan awood u lahayn in uu galo heshiis caalami ah, isagoo madax ka ah dowlad ku meel gaar ah.

“Waxaa uu ahaa cadaadis naxariis la’aan ah” ayuu yiri mid saraakiisha ka mid ah, isagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah maamulka Ra’iisul Wasaare Sarraj ay taagerayeen saameynta Ankara ee Libya. “ Turkigu waxaa uu ahaa dalka keliya ee taageero noo balan qaaday, waxaana aqbalnay markii ay dhamaan albabadii kale naga soo xirmeen” ayuu yiri.

Heshiisyadda amniga iyo badda waxaa la sixiixay sanadkii lasoo dhaafay. Sida uu heshiisku qabo, Turkiga iyo Liibiya waxay isku biiriyeen sheegashadooda qaybo ka mid ah Mediterranean-ka iyo xaqa ay u leeyihiin in ay ka faa’iideystaan.

Turkigu muddo fog ayuu daneynayay Libiya, gaar ahaan dismaha iyo marshuucyadda tamarta. Waxaa uu sidoo kale ku riixayay fursado cusub oo ganacsi, si uu uga soo kabto khasaare soo gaaray markii awoodda laga tuurayay Macamaral Qadaafi. Iskaashiga qandaraasleyda Turkiga ayaa sanadkii 2011-kii ku qiyaasay in xilligii kacdoonka ay shirkadaha Turkigu Liibiya heysteen qandaraasyo gaaraya $billion. Qaar badan oo kuwaas ka mid ahna waa ay lumeen.

Bishii June wafdi ka socday Turkiga oo ay ka mid ahaayeen wasiiradda arrimaha dibada iyo maaliyadda ayaa saraakiil kula kulmay magaaladda Trpoli ee caasimadda dalka Libya, waxayna usoo jeediyeen qaansheegad gaaraya $2 billion oo ay lahaayeen shirkado Turki ah.

Xukuumadda Tripoli waxay ogolaatay in ay dib u bixiso lacagtaas, isla markaana ay sidoo kale bixiso $1.7 billion oo deymo kale ah iyo caymiska qalabkii dagaalka ku khasaaray. Heshiiskaasi waxaa uu weli ogolaansho ka sugayaa Ra’iisul wasaare Sarraj.

Saraakiisha Liibiya waxay sheegeen in Turkigu uu saldhig badda ah ka dhisanayo magaaladda dekedda leh ee Misrata oo ku taalla Libya.