16 sano kadib ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay dalka Sacuudiga

Riyadh (Caasimadda Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka iyo diiwaanka Malakiga Boqortooyada Aala Sacuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in boqolaal Askari American ah iyo hub casri ah loo daad gureeyay gudaha wadanka Sacuudiga.

16 sano oo maqnaashiyo ah kadib ayay ciidamada Mareykanka dib ugu laabteen dhulka Xarameynka oo ay ka taliso dowladda Sacuudiga, saladhigga Melleteri ee Al Amiir Suldaan oo 70 Km dhanka Koonfureed uga beegan magaalada caasimadda ee Riyaad waxaa gaaray illaa 500 oo askar American ah waxaana ugasii horreeyay tobaneeyo diyaaradaha dagaalka ah.

Wakaaladda wararka ufaafisa dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in ay ogolaatay dalab uga yimid Mareykanka oo ahaa in ciidamada Americanka ay dib ugu laabtaan Saldhigga Amiir Suldaan si halkaas ay ugala socdaan dhaq dhaqaaqyada Melleteri ee ka jira mandiqadda loo bixiyay Bariga dhexe.

Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in dowladda Sacuudiga ay ka dalbatay in ciidamada Mareykanka loo daad gureeyo wadankeeda si ay uga ilaaliyaan khatarta uga imaanaysa Iiraan.

Shabakadda CBS News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaarinta saldhigga Melleteri ee Amiir Suldaan ay bilaabatay bishii June ee lasoo dhaafay islamarkaana halkaas loo daabulay qalab melleteri ka hor inta aan ciidamada lageyn.

Salmaan Bin Cabdul Caziiz oo ah boqorka Ala Sacuud ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu Mareykanka u ogolaaday in uu dego dhulka Xarameynka iyadoo qeyb ka ah sugidda amniga mandiqadda sida uu hadalka udhigay.

26,Augst sanaddii 2003 ayay aheyd markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen dalka Sacuudiga xilligaas oo loo dhigay xaflad sagootin ah, joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Sacuudiga ayaa soo bilaawday horraantii sagaashameeyadii waqtigaas oo uu dhacay dagaalkii Khaliijka ee ka dhanka ahaa dowladdii Sadaam Xuseen.

Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre 

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
caasimada@live.com