18-ka MAY & maanka dhalinyaradeyda

Aniga, Waxaan ku Indha-furtay kuna garaadsaday Muqdisho iyadoo aanay Dowladi jirin. Soomaaliduna Toban Magac iyo Maamullo is diidan ku kala hoos jirto. Waxaanse Sheeko ku hayaa inay Dadkaasi is diidani Berri ahaayeen Walaalo Is-jecel, oo Wiil Hargeysa ka yimid Gurigeena oo Xamar ah Marti ku ahaan jiray, Reerkeenuna si wanaagsan u soori jireen.

Wax badan ayeey Dhagteydu maqleysay illaa iyo Maalmihii Yaraanteyda, Dhawaq Hargeysa kasoo yeeraya oo Cod dheer ku sheegaya inay Magaaladaasu noqotay Xubin iskeed u shaqaynaysa oo ka go’day Jidhkii Jamhuuriyadda Soomaalida. Koofurna waxaan ka maqli jiray Dhawaq kaas diidaya oo leh Jidhka Jamhuuriyaddu sinaba uma kala go’ayo illaa uu God wada galo mooyee.

Waxaa ii gaar ahaa, Aragti, Caqli, Ujeed, iyo wax kasta oo Qof Bani Aadam ahi aanu Qof kale la wadaagi karin, intabana waxay llaa iyagoon Garaad fiican lahayn arkayeen wax ka duwan waxa ay Dad badan oon Gu’ wadaag nahay arki kareen. Waxaan rumeysnaa inay Umadda Soomaaliyeed Wada-jirka iyo Isjacaylkii hore ee Sheekada igusoo gaaray haduu Dhab ka ahaa mar un Wanaaggaas lasoo noqon doonto. Waxaana sidoo kale iga dhaadhacsanaa in wax kastoo Soomaali Dhexdeeda ka dhaca ee xumaan ah ay u dan tahay Cadawga Soomaaliyeed Cid kastuu ahaadaba.

Markii iigu horeysay waxaan Hargeysa tagay Sanado badan ka hor, Dharaar cad baan Cagta dhigay Magaalo aan illaa Maalintaan dhashay ku maqlayay inay Dadka joogaahi yihiin kuwo Soomaalinimadu uga dhigantahay Cudur Dilaa ah oo in laga hortagaa mudan. Aragtideyda oo intaasba ka duwanayd baase i kaalmeysay, oo waloow aan Hadalkii Mudada Dhagaheyga kusoo dhacayay wali sii dhadhansanayay, hadana marna kuma qancin in Qof Diir, Diin, iyo Dadnimaba ila wadaago uu Dhibaato ii geysanayo.

Intii aan goobayay Gurigii aan ku jeeday, waxaan yar fariistay meel Maqaaxi ah oo ku taala Goob markaan Xasuusteyda dib u celiyo aan maleynayo inuu Magaceedu ahaa Xera-owr (Hadii aan Magaca qalday iga raali ahaada, Mar qura ayaan Magaalada tagay kumanasoo raagine). Anigoo Indhaha taag-taagaya sidii Ruux cabsanaya, ayaan ugu dambeyn ku dhiiraday inaan la hadlo Nin meel agteyda ah marayay, oo aan warsaday halka laga helayo Gaari Bas ama Taksi aan ku tago Xaafaddii Ujeedkeygu ahaa.

Lama filaanku wuxuu noqday, inuu Ninkii si hagaagsan ii tilmaamay, isagoon waliba waxbana Dan ka yeelan Qaab-Dhawaaqa Luuqadeyda Soomaaliga. Waxaanse ilaabin koleey Kaftanba ka ahaato inuu Ninku markuu igasii dhaqaaqaya igusoo tuuray Ereyo ay ka mid ahaayeen (Ilma Malaaq baad tahay miyaa oo Muqdisho ka yimid?).

Intaas waxaa ii dheereyd, in Magaalada Maalmihii aan joogay oo aad u koobnaa aan is baranay, Saaxiibba isku dheer oo Sheekadu isugu baxdana noqonay Dhalinyar Reer Hargeysa ah. Hadaladii aan ka xasuusto ee ay igu oran jireenna waxaa ka mid ahaa (Waxaan nahay Walaalo loo kala sheekeeyay. Waxaanse guuleysan doonnaa marka aan inagu wada sheekeysano).

Casharada aan Hargeysa kasoo bartay, waxay sii xoojiyeen Aragtideydii aan illaa yaraanta qabay ee ahayd inaanay Soomaalidu Dad is-neceb aheyna, Dano shisheeye isu keen diidayaan!

Ugu dambeyn, waxaan ka hadlayaa, waxa ay Indhaheygu arkayaan, Dhagaheyguna maqlayaan, oo ah Faallooyinka ay Dhalinyar Reer Koofureed ahi ka bixinayaan Maalinta Maanta ah oo Dhalinyarada Waqooyiga u ah Maalin qiima badan.

Aan cadeeyo Aragtideydee, anigu ma qabo in Soomaalidu ay Kala go’ ku liibaanayso. Mana ku taamayo inaan ku noolaado Duni ay Soomaalidu ku liidantahay si ka badan sida ay iminka u liidantahay, waayo hadii Dalkii qura ee Shantii Soomaaliyeed ka haray uu sii kala go’o, waa hubaal inaynu ka dhiganaaneyno Caruurtii Walaalaha ahayd ee wada-jirkooda Cadawgu uga waabtay, markii midba meel lagu weecshayna ay sahlanaatay in geddigood la wada wiiqo.

Waxaanse rumeysanahay in Is-jacayl iyo is amaanid un Dadku isugusoo dhawaan karaan. Hadii ay Doodaadu noqoto Muqdisho ayaa ka wanaagsan Hargeysa, waa hubaal in Wiilka Hargeysana lasoo ban-baxayo Aragti taada ka duwan oo uu Magaaladiisa kaga sara marinayo midaada.

Bani Aadamku marnaba ma ogolaado YASMO iyo Dulinnimo, waana waxa ay Dadyow badan Dhiiggooda ugusoo daadiyeen si ay isaga daafacaan Duleysi iyo Dacdaro lala maaganyahay. Marka Soomaalida Maanta kala qoqobantay, waxa kaliya ee ay dib isugusoo eegi karto Indho walaalnimo iyo is-daneyn leh, waxay tahay iyadoo Kooxiba Kooxda kale Waji furnaan iyo wanaajin u muujiso.

Hadii Wiilka Hargeysa joogaa uu Waalidiintiisa kasoo maqlay Sheekooyin gebigood Dhiig iyo Dhibaato Koofur iyo iyagu wadaageen ka hadlaya ah, waxaa arrintaas runteeda iyo Beenteedaba cadeyn kara Wiilka Koofur jooga, oo haduu Maanta Nacayb ku qaabilo Walaalkiis Hargeyso tusaale u noqonaya wixii Aabaha Koofureed laga aaminsanaa ee Cadaawadda ahaa. Labadii Walaalo ee Shalay noolaa haduu Dabcigoodu kala geeyay, Inagu Maanta Dad kale oo Ilahay Falkooda kula xisaabtamayo ayaan nahay, Nolosha Maanta jirtaana samaan iyo xumaanba inagey inoo taal, markaa aynu sameyno wax ka duwan wixii ay Odayaashii hore faleen.

Bal adiga is tijaabi,Qof Cadawgaaga ah oo inuu kula dagaalo doon-doonaya, kaga hortag Dabacsanaan iyo Nabad-doonnimo, waxaa la arkaa inuu ku dhiiran waayo Dilkaaga, maxaa yeelay Nafta Aadamiga waxaa la xiriira Sheydaanka oo Xumaan iyo Dhibaata un ku baaqa, iyo Malaa’igta Alle oo waxa wanaagsan doonta. Mar kasta oo Colaad iyo Is-nacayb yimaado waxaa sahlan inuu Sheydaanku Shaqadiisa gutto, marka Nabad iyo Naxariis la wadaaganna, waxay Naftu ku qanceysaa deganaan iyo Daacadnimo.

Intii ay Magaalada Muqdisho iiga wanaagsanaan lahayd Hargeysa, waxaa ii haboon inay Labadooduba ii wanaagsanaadaan! Maxaa yeelay Muqdisho oo aniga ii wanaagsan, balse Wiilka igu Afka, Dhaqanka, Diinta iyo Degelka ah ee Hargeysa jooga uga dhigan Halaq-galeen lagu hoogay, Wanaagaasu waxba ma dooriyo!!.

Dadkani hadii ay Berya hore ahaayeen Walaalo wax walba wadaaga, waxaan arkayaa inuu Nacayb iyo Faquuq kala geeyay, ee Dhalinyarooy aan Dhabbihii hore ka leexano, oon dayano Tub kale oo inoo toosisa Taladii Shalay xumaatay.

W/Q: MOHAMED ABDULLAHI DHAALEEY

Mogadishu-Somalia

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid