Madaxa meel ka sii sarreysa oo la salaaxo in aysan jirin, waa muran ma doonto aan marqaati loo raadineyn, tanise waa far muuqid macquul ah iyo xaqiiq isu meerin ma huraan ah ee bal maanka la kaasho, maxaad ka ogtahay falalka qaran diidnimada ah ee beryahan ay dadka qaarkii ku mashquuleen ee u eg afgenbiga maja xaabinta ah ee dib noogu celinaya halkii uu ka soo billowday qaran burburkii dalka ku dhacay!?. Waxaan maqli jiray “Ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?”.
Waxa ay xan fara badani inoo sheegeysaa, in ay siyaasiyiin caan ihi u ololeynayaan wax ka beddelka soohdimaha Soomaaliyeed ee badda iyo berrigaba leh, si ay shisheeye dhaxalka soomaaliyeed ugu hibeeyaan, iyaguna ay halkaasi sandareerto yar oo dibna maris ah uga helaan. Taa waxaa la mid ah oo aan dhismo qaran u hiillineyn, kuwa isku howlaya in ay shirkadaha dalka dhisaya ee xilligii xumeyda aheyd inoo soo gurmaday in ay abaalkooda eryid ugu beddelaan, kaasoo ah mashruuc meel kale laga soo afuufayo … Allaahu akbar, labada daan ku daaqso sow dhimbilo dab ah liqliq maaha?, ma anaaba kuu warramay. Xaalku maba sahlanee, dadkani masuuliyadda sheeganaya dhiiggii ( S Y L ) xagguu ka maray?. ( Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay?).
Ciidamadii qaranka ee amniga lagu aaminay oo millatari, Boliis iyo nabad sugidba leh, ayey jidka u taalla isbaaro khasab ah oo danyarta lacag looga qaato, waa yaabe, haddii ay sidaa tahay, yaa leh mas’uuliyadda nuucaas ah, yaa looga dacwoonayaa, xaggeese loo ciirsanayaa?, sow masaajidkii oo ay qeylo ka yeertay maaha? Allow sahal amuuraha ( Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay!).
Waxaa la yiri, ninkii lacag lihi waa jaamici shahaaddadii uu rabo heli karo, maxaa yeelay imtixaannada jaamacadaha dibadda ayaa lagu soo saxaa gaar ahaan khartuum, Nairobi iyo Addis-ababa, sidaa darteed lacag baad la baxeysaa qof aqoon yahan ah baa imtixaanka magacaaga kuugu galaya, markaa adoo soomaaliya dhex jooga ayaad shahaaddo qaadaneysaa Dr, baana lagu dhihi doonaa, khatar iga dheh, waxaanba ka yaabay malyuun baa sannadkii soo qalin jabinaya aan shaqo loo heyn, xasha ma anaaba kuu warramay ( Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay!).
Tuba tukalaa ka sii darane ma rumeysaneysaa haddii aad maqasho, ganacsatadii maal qabeenka aheyd ee dhaqaalaha lagu tabayay iyo siyaasiyiintii caanka aheyd ee soomaaliya laga wada yaqiinnay, ayaa kaarar fara badan oo barakacayaasha wax looga qaato iyo bushash ku leh magaalada muqdisho iyo hareeraheeda, sidoo kalase ma ogtahay in ay barakacayaasha qudhooda intii xoog leh ay beerahooda soo fashaan carruurta iyo xaasaskuna ay kaararka ku sii dhaafaan iyaga oo bushashkooda deggan, taana waa afka labadiisa daan ku daaqso ee ma ila dareemi kartaa? Wallee muqdishaay inta uu dhaqankaasi jiro maato meel ku urursan iyo bushasha kaa ma dhamaadaan waa yaab iyo anfariir horumar diid ah ( Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay).
Sida aad ka war qabtaanba askariga ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed hadduu khaldamo ama uu wax dilo dharaar cad baa la maxkamadeeyaa lana toogtaa, dhagar qabayaashana iyaga oo qiranaya oo leh anaa dilay iyo sidaasaan u dilay ayaan haddana tiirka la soo taageyn, qaarkoodna waxaaba la sheegay in xabsiga dhexe laga sii daayay, intaa waxaaba sii dheer Janankii sii deynta ku lug lahaa oo maxkamadi ay xabsi daa’in ku xukuntay ayaa la cafiyay darajadiisiina loo soo celiyay, markaa sidee bey isu la shaqeynayaan isaga iyo kuwii qaranka daacadda u ahaa ee isaga denbiga ku soo oogay amaba maxkamadeeyay?, tanina waa wax jira laakinse (Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay!).
Intaasoo dhibaata ah ee aan kor ku soo sheegay, waxaa dhaliyay oo aabo iyo hooyaba u ah « musuqa iyo damaca iimaan ka baxa ah ee ku saleysan cantuugo weynida iyo laba daan ku daaqsiga qaran diidnimada ah» haddaba taasi waxaa wax ka beddeli kara oo kaliya mas’uulka leh astaamahan soo socda:-
Geesinimo dulqaad leh,
Dagaal waddaniyad leh
Howlkarnimo daacad ah
Daaqsinimo eex la’aaneed
Damiir iyo dal jacayl leh.
Intaasoo dhan ka dabadeed
Dantu wadajir weeyee
Aan u wada duubanno
Howl iyo daryeel qaran
Haddii kale dadow hee…..
Qalinkii:-
Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid