R/W Cabdi Weli & seedigiis oo iibsaday beeshooda (Qorshaha 24-ka bishan)

Waxaa magaalada Qardho ka socda qabanqaabada caleema saar nin lagu sheegay inuu boqor u yahay DAAROOD, taasi oo  weyn uga soo horjeedaan beelaha Sade, Awrtable iyo Leelkase.

Burhaan Muuse oo ay wataan Abdiwali Gaas iyo Cadde Muuse inay ka dhigaan boqor Daarood ayaa waxaa xitaa kasoo horjeeda qoyska hoose ee uu ka dhashay wiilkaasi, kadib  markii Cumar Muuse oo shalay la hadlay warbaahinta Kismaayo24.com uu sheegay inuusan walaalkiis aheyn BOQOR DAAROOD.

Haddaba Abdiwali Gaas oo arrintaasi meel marinteeda dadaal badan ugu jiray ayaa waxaa uu ku guuleystay inuu R/W Abdiweli Shiikh Ahmed iyo seedigiis Maxamued Ugaas Xaashi ay kasoo qeybgalaan caleema saarka Burhaan Muuse, taasi oo lagu doonayo in lagu qariyo diidmada beesha SADE arrintaasi ka muujisay.

Ra’iisul wasaare Abdiwali Shiikh oo tan iyo markii uu xilkan qabtay la soo baxay siyaasad u janjeerta maamulada Jubba iyo Puntland si aysan kursiga ugu qabsan ama haddii ay is qabtaan Madaxweyne Xasan Shiikh uu uga helo hiil dhaqaale iyo mid siyaasadeed ayaa waxaa uu haadaan ka tuuray doorkii siyaasada iyo dhaqanka beesha SADE ay laheyd.

Abdiweli iyo Seedigiis

Waxaana uu sidoo kale ilaaway inay beelaha SADE iyo Kablalax ka dhexeeyaan loolan soo jireen ahaa oo salka ku hayey siyaasada iyo dhaqanka hadba cidda hoggaanka u qabaneysa. Taasi oo iminka u muuqata mid wax weyn ay iska badeleen tan iyo markii uu siyaasada Soomaaliya cirka uga soo dhacay Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa laba jeer oo hore loo diiday inuu booqdo Puntland waxaana markii uu tagay Kismaayo uu rabay inuu ku xijiyo Garowe sida ballantu aheyd waxaase ka baxay Abdiwali Gaas oo galay safar aan horey meesha ugu jirin. Markii uu soo laabtay ayuu mar kale damcay inuu Ra’iisul wasaare Abdiwali Shiikh Ahmed tago Garowe isaga oo wacay Abdiwali Gaas laakiin waxaa ka raacay jab kale oo uu ku dhigay ninka ay magaca wadaagaan ee Puntland xukuma.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa si cad warbaahinta ugu mariyey inaysan madaxda dowlada imaan karin deegaanadooda tan iyo inta la xalinayo khilaafkii kala dhexeeyey, taasi oo aheyd farriin uu Gaas uga hortegayey booqashada Abdiwali Shiikh Ahmed.

MAXAA HADDA KEENAY INUU TAGO PUNTLAND?

Markii uusoo baxay khilaaf weyn oo ka taagan caleema saarka boqorka DAAROOD oo aan waligiisba la dooran islamarkaana ah mid ay beesha MAJEERTEEN iska sheegtaan ayaa laga fakaray muuqaal culus sidii loogu raadin lahaa.

Waxaana soo baxday in diidmada beesha SADE lagu damin karo Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed oo yimaada caleema saarkaasi islamarkaana horey usoo kaxeysto Maxamed Ugaas Xaashi oo qaba gabar la dhalatay Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu Maxamed Ugaas Xaashi uu ku qaraabta sheegashada magaca ugaaska Sade oo uusan aheyn.

Sawirkan waa: Maxamed Ugaas Xaashi iyo xaaskiisa Sahro Shiikh Ahmed oo la dhalatay Ra'iisul wasaare Abdiweli.

Maxamed Ugaas Xaashi oo ah shaqsi dhaqaale ku shaqeeya ayaa dalbaday markii hore inuu toos ula hadlo Abdiwali Gaas, iyaddoo markii lala hadal siiyey uu ka dalbaday dhaqaale dhan 50,000 Dollar inuu siiyo islamarkaana uu aqbalayo inuu Burhaan Muuse u yahay boqorkii Daarood!!! Abdiwali Gaas oo nin aad ugu dheereeya qiyaanada ayaan waxba ka diidin oo u sheegay inuu siinayo marka uu Qardho soo gaaro.

Ahmed Madoobe ayaa sidan oo kale dhaqaale ku siiyey xilligii la dhisayey maamulka Jubba si uu u muujiyo inay dhaqanka SADE joogaan, waxaana markii maamulkaasi uu dhistay Ahmed Madoobe uu lacagtii ka jartay Maxamed Ugaas Xaashi kaasi oo isaga soo cararay Kismaayo, kadibna bilaabay dacaadayeenta maamulkii uu horey daba-dhilifka ugu ahaa.

Ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ku sugan gobolka Gedo iyo Suldaanka guud ee beelaha Daarood Suldaan Abdicasiis Suldaan Cumar daad Suldaan Beyle oo ladabuba ku hadlay afka SADE ayaa sheegay inaysan matelin dhaqanka SADE Abdiwali Shiikh Ahmed iyo seedigiis, wixii ay la tagaana Qardho ay tahay sheeko labadadooda qoys ku kooban.

R/W Abdiwali Shiikh ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu ku lug leeyahay dagaalkii Baledxaawo isaga oo la sheegay inuu dhaqaale ku bixiyey dagaalkaasi, waxaana sidoo kale uu beesha sade uga hiiliyey maamulka gacan ku rimiska ah ee Ahmed Madoobe.

Qaladka ugu weyn ee taariikhdiisa danbe raadka ku reebi doonta ayaa ah marka uu ka qeybgalo caleema saarka Qardho taasi oo bar madow ku ah xilka uu hayo iyo beesha uu ka dhashay oo aan waligeed aqbalin  kana qeybgelin caleema saarada ay sameystaan beesha Majeerteen.

24 bishan ayaa loo ballansan yahay inay xaadir labadan nin ku a haadaan magaalada Qardho. Taasi oo haddii ay ka dhabeeyaan noqoneysa darajadaadii ku wareeji nin kale.

Isha: Kismaayo24.com