Soomaaliya oo noqon doonta dal diimo badan looga dhaqmo sanadka 20…..?

2050 Soomaliya ma noqon doontaa wadan diimo badan looga dhaqmo?

Taariikhda ay soo mareen wadamo dhawr ah oo Africa ku yaala iyo dunida meelo ka tirsan oo dagaalo soo maray, waxaa isla markiiba kuu soo baxaya raadad aad u foolxun oo ay reebeen ciidamadii wadamadaas galay sida CONGO, SOUTH SUDAN iyo kuwo kale.

Waxaa kaloo wax laga baran karaa guumeystayaashii raadadka ay uga tageen wamadii ay haysteen.

Wadamadaas waxa ay ka dhaxleen ciidamadii nabad ilaalinta ahaa raadad aad u foolxun sida illmo aabo la’aan ah, dumar la kufsaday oo ay ku dhaceen isla hadal ama cudurada maskaxda iyo dalkii oo lagu beeray diimo aan horay uga jirin iyo dhaqamo kale.

Wadanka Soomaaliya waxaa hada ku sugan sida aan ka soo xigtayhttp://amisom-au.org/ 22,126 askari waxaana tiradaas lagu sheegay inta qabta dharka ciidan ee AMISOM kuma xusna tirada ciidmada kale ee aan qabin dharka ama la hawl gala sida kuwa caafimaadka iyo shaqaalaha xafiisyada iwx.

Ciidamadaan ku jooga shaatiga AMISOM waxa ay soo galeen sanadkii 2007 oo hada laga joogo mudo dhan 8 sano.

Waxeyna sii joogi doonaan inta laga heli doono ciidamo lagu halayn karo amaanka Soomaaliya taas oo ilaa hada aan muuqan ama aanba wadadeedii lahayn.

Dadka ugu dhalmada badan Africa waxaa lagu qiyaasaa Askariga iyo Darawalka.

Hadaba tirada 22,126 askari oo lagu dhuftay 10 sano oo hada ay joogeen iyo 20 sano oo kale oo ay sii joogi doonaan 22,126*30sano= 663 780/2= 331 890 kun oo cunug ayey uga tagi karaan Somaliya oo aabe la’aan ah waxeyna ku imaan karaan Kufsi,cabsi galin ama mid dhaqaale.

Hadaba wadamadii ay ciidamadu ka baxeen oo illmo badan ay uga tageen ciidmadii joogay ayaa waxaa la wareegay Hay’adaha xaquuqu insaanka kuwaas oo ku xanaaneeya xeryo khaas ah halkaas oo lagu carbiyo, kuwa Soomaliya waxa ay mari doonaan isla wadadaas.

Tiradaan iyo mid kaloo soo bixi kartaba waa tiro aad u badan waxa ayna keeni kartaa in mustaqbalka fog Somaaliya oo ah wadan 99.99% muslim sunni ah in laga helo group haysta diimo kale oo leh awood muuqata lana xaqiri karin iyagoo isla markaasna gacan ka heli doona wadamada dariskaa ee haysta diimaha kala duwan iyo kuwa caalamka taas oo u sahli doonta wax badan.

Gunaanad

Waxaa haboon in tanaasul ay soomaalida dhexdoodu isku sameeyaan inta goori goor tahay.

Maah maah soomaaliyeed ayaa ahayd : Markaan xoog hayeyna talo ma hayn markaan talo hayeyna xoog ma hayn.

W/Q: Said Qaas

Wixii aragti celin ah igala soo xariir
qaas20@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid