MADAXWEYNAHA vs XILDHIBAANNADA (Warbixin uu diyaariyey Yusuf Garaad)

Qarannimada Soomaaliya waxaa ku yaalla dakharro badan. Haddii Soomaali oo dhami ay u istaagto lama hubo in ay ku guuleysan karto badbaadinteeda. Sidaas ay tahay qaar badan oo naga mid ah ayaa si ula kac ah ama ogaal la’aan ah uga shaqeynaya waxyaabo lid ku ah Qarannimada.

Maanta halis weyn waxaa ku jira habsami u socodka Howlaha Qaranka Soomaaliyeed iyo weliba jirtaanka hey’adaha Federaalka ugu sarreeya.

Waxaa u sabab ah khilaafka Madaxweynaha oo aqool xumadiisu u keentay in mudanayaal boqol kor u dhaafay ay ka dalbaan in uu is casilo iyo isaga oo aan u diyaar ahayn in sida ay doonayaan uu u yeelo.

Arrintan oo aad mooddo in in badan oo wax ka tari lahayd ay isku fiirsanayaan, qaar kalena ay ka arkaan fursad ay lacag iyo dano kale oo shakhsi ah uga gaaraan ayaa ah mid horseedi karta khatar aad u weyn. Waxaa imaan karta in Baarlamaanku u laba u kala qeybsamo oo uu markaa gudan waayo waajibaadkiisa.

IsgoysMudanayaasha Baarlamaanka waxaa ila habboon in si kasta oo ay u weyn tahay dhaliisha ay Madaxweynaha iyo Wasiirrada ku dhow dhow ay u qabaan, ay habboon tahay in ay marka hore uga digaan falalka aan iyaga u cuntamin. Ka hor inta aanay u gudbin isku day xil ka qaadis.

Hadda oo xilligaa laga soo gudbayna, waxaa ila habboon in ay talada ku darsadaan, in ay dalbaan tallaabo kasta oo wax lagu sixi karo oo ka sokeysa in Madaxweynaha xilka laga qaado.

Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa in aanuu cadow u arag Xildhibaannada ka soo horjeeda. Waxaan Madaxweynaha xasuusin lahaa in Baarlamaankani uu yahay kii isaga ku doortay 190 cod. Welibana Madaxweyne xilka haya ka weecday oo isaga door biday.

Markaa Madaxweyne waxaa hubaal ah in xildhibaannadani ay ka biyo diiddan yihiin siyaasadaada oo ama qaldan ama aad ku guul darreysatay ama aad quursatay in aad iyaga u fasirto xilligii ay ku habbooneyd, si aad uga baaqsato tan manta ku haysata.

Waxaa kale oo iyaduna suurta gal ah in ay kaaga xun yihiin waxyaabo ay ahayd in aad wax qabato oo aad ka baaqsatay.

Xusuusnow Madaweyne in xildhibaannadu ay yihiin kuwii ku doortay.  Waanan hubaa in aad qiran tahay in ay xilka kaa qaadi karaaan hadday dariiq qaanuunka waafaqsan ay u maraan. Laakiin xataa hadday ku guuleysan waayaan in ay xilka kaa qaadaan, laakiin ay caddaato in aqlabiyadda Baarlamaanku ay ku diiddan tahay, waa mid wiiqyesaa awooddaada Madaxweyne. Maaddaama adiga xilkaaga iyo dantaadu ay tahay in hey’adaha Fedraalka oo dhami ay shaqeeyaan, kulana shaqeeyaan. Xafiiskaagana waxaa dul fuuli doona calaamtu su’aal weyn oo dadka Madaxiisa ku sawiran.

Waxaad Madaxweyne maanka ku haysaa in aad dalka oo dhan iyo hey’adaha dalka oo dhan aad adigu mas’uul ka tahay. Baarlamaanka aqlabiyaddiisu hadday ku diidaan, laakiin aanay gaarin tiradii codka kaa qaadi lahayd, waxay taasi aad u wiiqeysaa welibana ay su’aal gelineysaa sidii aad xilkaaga ku gudan lahayd.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa in mudanayaasha Baarlamaanka aan midna la soo xasuusan doonin magaciisa, laakiin dhaawac kasta oo soo gaara hey’adaha Qaranka iyo dib u dhac kasta oo dalka ku yimaada in cidda la xasuusan doono, mas’uuliyaddeedana qaadi doonta ay tahay Madaxweynaha.

Xilligani waa xilligii Madaxweyne Xasan Shiikh. Haddii aad Baarlamaankii ku doortay ka shaqeysan weydo, haddii aad dagaal la gasho, iyo haddii aad is afgarad la gaartaba taa ayaa lagugu qiimeyn doonaa. Waxaan jeclaan lahaa in aan xusuustaada dib u celiyo ololihii 2012 ee aad ku guuleysatay. Sidaaaad u xodxodatay xildhibaannada soo xusuuso, ooh ore noo dhaqaaji.

Waxaan kuugu duceynayaa in Ilaaheey kugu hago, kuuna sahlo waddada ay dantu ugu jirto Soomaaliya.

FG

Waxaan u mahadcelinayaa al fannaan, farshaxan Amin Amir, oo saacado kooban gudahood iigu soo sameeyay sawirka sare, ka dib markii aan anigu ka codsaday.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid