189 Al-Shabaab ‘oo lagu dilay’ weerar lagu qaaday goob ay ku shirayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Militeriga dalka Uganda ee katirsan howlgalka AMISOM ayaa sheegay iney dileen 189 ka tirsan ururka Al-Shabaab kadib markii ay ku qaadeen weerar lama filaan ah, iyagoo ku shiraya xaafada Siigaale oo 100 KM kaga beegan Koonfur Bari caasimadda Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Militeriga Uganda ayaa sheegay iney Shabaabka ku shirayeen meel howd ah, islamarkana ay burburiyeen gawaari Militeri oo kooxda ay leedahay iyagoo intaa ku daray in howlgallo kala duwan ay ka sameeyeen gobalka Shabeellada Hoose.

Waxay intaas ku dareen inay  howlgallada kusoo xireen Laba taliye oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo, sida ay sheegeen, lagu wareejiyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Col. Deo Akiiki ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wax khasaaro ah aysan gaarsiinin dad shacab ah balse ay dileen askar iyo xubno sar sare oo Al-Shabaab ka tirsan kadib markii ay ku weerareen hubka u dhaca daran doorig.

Sidoo kale wuxuu afayeenka xusay in iyaga wax khasaaro ah aysan soo gaarin, waxaana howlgalka ka qeyb qaatay Brig. Don Nabasa oo ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee ciidmada Uganda.

Ma jirto ilo madax banaan oo cadeynaya sheegashada khasaaraha faraha badan ee Al-Shabaab ka soo gaaray weerarka ay ku qaadeen ciidamada Uganda.

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika (AMISOM) ayaa kaalin weyn horay uga qaatay in Al-Shabaab laga saaro magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw.

Xigasho: Wakaaladda wararka ee AP
Waxaa Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Gmail: Abdiazizh99@gmail.com