2 sheeko oo yaab leh oo ku jiray faalladii Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa faallo uu qoray kusoo bandhiga labo sheeko oo yaab leh, oo uu la kulmay intuu joogay NISA.

Fahad ayaa sheegay in uu ogaaday sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah kooxda Al-Shabaab, una qaabilsanayd daba-galka sirdoonka Soomaaliya.

Sarkaalka oo uu qariyey magaciisa ayaa waxa uu ahaa sarkaalkii labaad ee ay haweenaydaasi ay sidaas ku guursato, sida uu ku sheegay faalladiisa.

“Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso. Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso.”

Waxa uu intaas kusii daray in Hawl-galkaas uu sahlay in la soo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwan shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.

Sheekada labaad ee uu soo qaatay Fahad ayaa ayaduna aheyd Hooyo Soomaaliyeed oo loo diyaariyay inay qeyb ka noqoto Sirdoonka Qaranka, taasi oo si yaab leh u ogaatay in wiilkeeda uu qeyb ka yahay hay’addana, oo ka shaqeeyo.

“Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda,” ayuu ku yiri faaladiisa Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin oo inta badan lagu yaqaano in uusan saxaafadda ka hadlin, kana soo muuqan sawir iyo cod toona, ayaa faaladiisa kaga sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay NISA tan iyo intii ku biiray hay’adda. Faaladan ayaa si gaar ah loo soo gaarsiiyey Caasimada Online – Halkan guji oo ka aqriso.