20 dhaqdhaqaaq oo England Primier League ka dhici kara marka uu Janaayo Suuqu Furmo.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa ciyaartoyda ay macquulka tahay inay kooxahooda ka tagaan bisha Janaayo marka uu suuqu furmo, iyadoo koox walba ay xiligaan sii diiwaan gashaneyso xidigii ay lasoo wareegi laheyd Janaayo maadaama uu keliya suuqu furnaanayo hal bil.

Waxaan la kaashaneynaa warbixintaan oo aan kasoo turjunay wargeyska Caught Offside oo ah wargeys inta badan diirada saara dhacdooyinka suuqa kala iibsiga.

Aan ku bilowno:

1: Wilfried Zaha: Crystal Palace ayuu ka tegayaa isagoo ku biiri kara Arsenal

Tababare Arsene Wenger ayaa da’yarkaan u arka inuu ku bedelo Walcott, Zaha oo 100 kulan u saftay Crystal Palace waa 19 jir sida uu rumeysan yahay Wargeyska Daily Mail da’yarkaan ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

2: Klaas-Jan Huntelaar: Schalke ayuu ka huleelayaa isagoo ku biiraya Liverpool

Sida uu qoray wargeyska CalcioMercato Liverpool ayaa 6 milyna oo ginni ku rabta weeraryahanka Schalke  Klaas-Jan Huntelaar, waxayna Reds dooneysaa inay ku kabto weerarkeeda jilicsan.

3: James Rodriguez: FC Porto ayuu kasoo dhaqaaqayaa xilli uu u socdo Man United

21 jirkaan u dhashay Dalka Colombia James Rodriguez ayaa waayo hurumar leh dhex mushaaxayey tan iyo markii uu FC Porto kaga soo biiray kooxda reer Argentine ee Banfield. Sir Alex Ferguson ayaana u arka bedelka haboon ee Luis Nani. Ka dib markii uu xidigaani Porto ka caawiyey guulaheedii laba horyaal oo is xiga iyo Europa League 24 gool ayuuna shabaqa geliyey 72 kulan oo qura.

4: Radamel Falcao: Atletico Madrid ayuu kasoo hayaamayaa isagoo aadaya Chelsea.

TransferMarketWeb ayaa tebinaaya in Chelsea ay diyaar u tahay inay 80 milyan oo euro una dhiganta 64 milyan oo ginni oo ay xidga ku rabto Atletico Madrid kula soo wareegto Radamel Falcao xilli qiimahaas lagu burburin karo qandaraaskiisa.

5: Toby Alderweireld: Ajax ayuu kasoo hayaamayaa waxaana looga gacan haatinayaa Tottenham

Toby Alderweireld waa xidig da’yar oo tayo leh daafacaan ayaana si fiican uga dhex muuqaday kooxdiisa tan iyo  markii uu Jan Vertonghen ka dhaqaaqay kooxda, Andre Villas-Boas ayaana diyaar u ah inuu daaficiisa halbowlaha ku kabo.

6: Daniele De Rossi: Roma ayuu ka socdaa waxaan si aad ah u rabta Man City

Roberto Mancini ayaa aad ula dhacsan qaab ciyareedka burburiyahaan 29 jirka ah wuxuuna doonayaa inuu booskaas isaga dhiso maadaama ay wax ka qaban waayeen Javi Garcia iyo Jack Rodwell uuna khibrad fiican u leeyahay kabtanka labaad ee Rome.

7: Lewis Holtby: Schalke ayuu kasoo dhaqaaqaya waxaana u baahan Arsenal

CalcioMercato ayaa werinaaya in Arsenal ay si aad ah ugu baahan tahay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Schalke Lewis Holtby. Kooxda ka dhisan waqooyinga London ayaa 22 jirkaan u aragta saxiixooda koowaad ee Janaayo. Schalke ayaana ku xajin doonta inuusan gacmahooda uga bixin beeca xorta ah.

8: Victor Wanyama: Celtic ayuu kasoo kaba qaadanayaa wuxuuna u socdaa Man United

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu burburiyahaan Wanyama isaga dhiso booska daafac la jooga qadka dhexe maadaama uusan u heysan ciyaaryahano tayo leh, 21 jirkaan ayaan lagu amaanaa booskaas.

9: Mathieu Debuchy: Lille ayuu ka socdaa waxaana uu ku biirayaa Newcastle United

Alan Pardew ayaa 27 jirkaan daafaca dadabka midig  Mathieu Debuchy bilo daba joogay wuxuuna doonayaa inuu saxiixiisa soo afjaro bisha Janaayo.

10: Loic Remy: Marseille ayuu ka socdaa waxaana lala xiriirinayaa Chelsea

TuttoMercato ayaa werinaaya in Chelsea ay Janaayo soo qaadaneyso weeraryahanka Marseille Loic Remy waase hadii aysan helin weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao. 25 jirkaan heerka caalami ee dalka France ayaa laba sano oo uu joogay Stade Velodrome wuxuu dhaliyey 22 gool 17 kalena caawiye ayuu ka ahaa.

11: Theo Walcott: Arsenal ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa Liverpool

Theo Walcott ayaa diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda Emirates Stadium, 23 jirkaan reer England ayaana laga yaabaa inuu ka tago Gunners waxaana si aad ah u dooneysa Reds.

12: Rio Ferdinand: Man United wuxuu ku laabanayaa kooxdiisii hore ee West Ham

West Ham ayaa dooneysa inay is dhisto ayna soo qaadato ciyaaryahano magacyo waa weyn ka dib Andy Carroll iyo Alou Diarra. Waxaana la ogyahay inay si aad ah u dooneyso inay soo xareysato daafaca damve ee Man United Rio Ferdinand.

13: Andre Schurrle: Bayer Leverkusen ayuu ka tegayaa wuxuuna ku biiraa Chelsea

Inay Chelsea xiiso u qabto Andre Schurrle horaanba waa la ogaa belse waxaa laga soo diiday dalab 20 milyan oo ginni ah xagaagii Roberto Di Matteo ayaana doonaya xidiga heerka caalami ee dalka Germany inuu kusoo biirsho kooxda Stamford Bridge.

14: Mario Balotelli: Man City ayuu ka tegayaa wuxuna ku biiraa kooxda uu taageeraha u yahay AC Milan

Mario Balotelli ayaa waxaa in badan dooneysa kooxda Milan kama dambeysta waxay rabaan inay weeraryahanka kasoo dhaqaajiyaan Manchester City. Milkiilaha Milan Silvio Berlusconi ayaana doonaya inuu xidigaan mar uun keeno San Siro.

15: Andrei Arshavin: Arsenal ayuu k tegayaa wuxuuna u socdaa Reading

Hadii ay Reading dalab u dirto 31 jirkaan Arsene Wenger ayaa aqbali kara inuu Gunners ka diro weeraryahankii hore ee Zenit.

16: Brede Hangeland: Fulham ayuu ka huleelayaa wuxuuna u socdaa Man United

Man United ayaa aragta horumarka uu daafaca ka sameynayo Brede Hangeland dhowaanahaana waa lala xiriirinaayey daafaca dambe ee Fulham waxayna dooneysaa inay soo qaadato Janaayo.

17: Demba Ba: Newcastle United ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa Liverpool

Tababare Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu Liverpool ka dhiso weerarka ka hor inta uu Fabio Borini si fiican ula qabsanaayo Premier League waxaana laga yaabaa inuu Janaayo soo dhaqaajiyo weeraryahanka  Newcastle United Demba Ba.

18: Tom Ince: Blackpool ayuu ka socdaa waxaana lala xiriirinayaa Tottenham

Wiilka ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe dalka England Paul Ince, Tom ayaa sedax sano la joogay Liverpool ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bloomfield Road 20 jirkaan ayaana lala xiriirinayaa inuu u baqoolo White Hart Line bisha Janaayo.

19: Fernando Llorente: Athletic Bilbao ayuu ka socdaa wuxuuna ku biiraa Arsenal

Wakaalada dalka Germany 4-4-2.com ayaa rumeysan in Arsenal ay si aad ah ugu diyaar garawday inay Fernando Llorente lasoo wareegto bisha Janaayo marka uu suuqu furmo. Athletic Bilbao ayaana diyaar u ah inay aqbasho dalab ah 15 milyan oo euro una dhiganta 12 milyan oo ginni.

20: Michael Dawson: Tottenham ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa QPR

QPR ayaa lasoo werinayaa inay diyaar u tahay inay 9 milyan oo ginni kula sooo saxiixato daafaca dambe ee Tottenham Michael Dawson, heshiis shaqsi ah ayeyna la gaartay 29 jirkaan oo ay ku adkaatay inuu boos ka helo kooxda Andre Villas-Boas, tababare Mark Hughes ayaana doonaya inuu kasoo wato daafaca dalka England kooxda ku ciyaarta White Hart Line.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.