Juan Mata: Ma aanan maqlin hadaladii uu yiri Garsoore Mark Clattenburg.

Juan Mata ayaa qirtay inuusan maqlin hadalada garsoore Mark Clattenburg kulankii Chelsea guul darro 3-2 ah gurigeeda uga soo gaartay Manchester United, iyadoo uu weli garsooruhu dafirayo inuusan wax hadalo xun ah ku oran xidiga qadka dhexe ee Chelsea John Obi Mikel.

Blues ayaa sheegtay in ciyaartoydeedu ay aflagaado kala kulmeen Garsooraha waxayna ka gudbisay cabasho iyadoo laga warqabo in xidiga reer Nigeria lagu yiri hadalo midib faquuq ah halka Mata isaga laftiisa la sheegayey in hadalo aan habooneyn loo adeegsaday, laakiin wuxuu sheegay inuusan maqlin.

Mata oo la hadlaayey wargeyska kasoo baxa Dalka Spain ee AS ayaa yiri: “Waxna ma aanan maqlin, balse waa wax ay soo saareen Chelsea iyo xittaa FA-ga oo horaanba ka fikiraayey. Waan ku celinayaa midaas ma aanan maqlin wax uu dhahay.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.