20 saldhig oo ay lahaayeen ATMIS oo burburay kadib…

Kismaayo (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa markii u horreysay la shaaciyay in ay saameyn xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño.

Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee loo yaqaano UNSOS iyo howl-galka ATMIS oo si wada-jir ah qoimeyn ugu sameeyay khasaaraha howl-galka ka soo gaaray xaaladdan ayaa shaaciyay in daadadka ay harqiyeen illaa 20 saldhig.

Saldhigyada oo ay leeyihiin ciidanka ATMIS, ayaa la sheegay in ay saameeysay adeeg bixintooda dhinaca amniga, intooda badan waxay ku yaallan gobolka Jubbada Hoose.

“Daadadka El-Niño ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya waxay saameyn ku yeesheen howl-gallada ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska UNSOM.

Ku-xigeenka madaxa adeegga bixinta ee UNSOS Michael Dorn iyo taliye ku-xigeenka ciidanka ATMIS ee dhinaca taageerada iyo saadka Maj Gen Peter Muteti ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay saameynta howl-galka kasoo gaartay daadadka El-Niño.

Dorn iyo Muteti ayaa tegay Dhoobley, taasi oo qayb ka ah booqasho joogto ah oo ay ku tagayaan qaybaha kala duwan ee ATMIS, si ay u qiimeeyaan xaaladda  dhulka.

“Saldhigyada jiidda hore ee sida ugu badan ay u saameeyeen daadadku, waxay kala yihiin, Sector Four iyo Sector Three iyo ilaa Qaybta Shanaad. Waa Baydhabo, Beledweyne, iyo Jowhar,” ayuu yiri Michael Dorn.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa jira dabcan meelo kale oo dalka ka mid ah sida Kismaayo ilaa xad iyo Dhoobleey oo waddooyin iyo garoomo diyaaradeed ay biyo fariistaan. Taasina waa caqabad aad u weyn maadaama aanan u isticmaali karin wadada saadka.”