Saraakiil sare oo ka tirsan Puntland oo lala xiriiriyay afduubka doontii IRAN

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dooni laga leeyahay dalka Iran oo dhawaan lagu afduubtay xeebaha Puntland gaar ahaan aagga degmada Qandala.

Maxamed Cabdi Saciid, oo kamid ah masuuliyiinta doonidaan la afduubtay oo la hadlay SBC Somali TV, ayaa sheegay in kooxda burcad badeedda ah ee afduubtay ay ka dambeeyaan saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

Waxa uu si gaar ah ugu eedeeyay afduubka doontaan taliyaha degmada Qandala, sidoo kalena ragga doonida haysta ay kamid yihiin kuwa caan ah oo horay burcad badeed lagu xiray.

“Taliyaha degmada Qandala inuu kamid yahay dadka qabsaday waa la xaqiijiyay, ragga doonida haysta waxaa kamid ah rag burcad badeed lagu xiray oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ku xirna tobaneeyo sano ah,” ayuu yiri Maxamed Saciid oo kamid ah masuuliyiinta doontaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in taliska Puntland ku wargeliyeen afduubka doontaan, hase yeeshe ay weli jirin tallaabo ay qaaday, “Waxaan ka codsaneyna Puntland iyo ciidankaan Yurubiyaanka in doonidaas nooga sii daayan burcad badeedka, raggii dambeeyay Boosaaso iyo halkaas ayay joogaan.”

Waxa uu sheegay in shaqaalaha saarna doonida ay yihiin Iraani, ayna tiradoodu dhan tahay illaa 25 qof, kumana jiraan Soomaali, sida uu sheegay Maxamed Cabdi Saciid.

“Wax madax furasho ah oo nala weydiiyay majiryo oo nalama soo xiriirinba. Anagu la xiriiri weynay oo lambaradooda waan raadinay, qeybtood lambaradooda wey dansan yihiin, iyaguna namay soo wicin oo nalama soo xiriirin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday maamulka Puntland iyo ciidanka kale ee badda jooga inay kala shaqeeyaan sidii loo soo furdaamin lahaa doontaasi, oo muddo ku dhow 10 maalmood gacanta ugu jirta kooxda burcad badeedda.

Si kastaba, waa doontii labaad ee kalluumaysi oo dalka Iran laga leeyahay, taasi oo laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bariga Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso