Qorshe culus oo Shabaab ay damacsaneyd la fashiliyay iyo xubno gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qarax lagu aasayay wadada u dhaxeeya degmada Beledweyne iyo Buula-burte

Ciidanka isgarabsanaya ayaa sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen xubin Shabaab ah oo loo xil-saaray in uu wadadaasi ku aaso miino, si ay ugu waxyeeleyaan ciidanka dagaalka kula jira iyo dadka shacabka ahba.

Qabashada Shabaab-ka ayaa timid xilli ay socdeen howl-gallo looga hortagayo dhagarta kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaleysanaya dhulka buuraleyda ah ee u dhaxeeya Beledweyne iyo Buula-burte, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa haatan ku howlan ama sii wada raadinta kooxda Al-Shabaab ee lagu tuhmay in ay gabbaad ka dhiganayaan dhulka buuraleyda ah, iyaga oo doonaya in ay aasaan walxaha qarxa.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.

Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maraya heer geba-gebo ah, waxaana dhawaan la filayaa inuu billowdo wejiga xigga ee dagaalka, xilli dowladda Soomaaliya laga qaaday xayiraada hubka, iskuna diyaarineyso in kooxda u isticmaasho hub ka culus midkii lagu galay wejigii hore ee dagaalka.