Safaaradda Mareykanka ee magaalada BAQDAADA oo weerar culus lagu qaaday

Baqdaad (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu weeraray in ka badan 12 gantaal.

Ilaa hadda lama ogaan khasaaraha ka dhashay weerarkaan oo dhacay goordhow, waxaana la sugayaa faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxda Mareykanka.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa si hordhac ah u sheegay in koox maleeshiyo ah oo la safan dowladda Iran la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarkaas.

Madaafiicda ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ay ku dhaceen albaabka hore iyo gudaha safaaradda, halka kuwo kalena ay ku dhaceen togga Tigris oo safaaradda u dhow.

Kooxaha hubeysan ee dowladda Iran ay taageerto ayaa lala xiriiriyay in weerarro ka badan 70 ay qaadeen ciidamada iyo shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Sidoo kale kooxaha Iiraan ku xiran waxaa la sheegay inay Ameerican-ka si joogto ah ugu weeraraan dalka Suuriya tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.

Dowladaha la xifaaltama Mareykanka oo Iiraan ay ugu horeyso iyo kooxaha jihaadiyiinta ah ayaa ka careysan taageerada uu Mareykanku siiyo Israa’iil oo weerarro iyo xasuuq aan loo meel-deyin ku heysa dadka muslimiinta ah ee reer Falantiin.

Sidoo kale, Ciraaq waxaa weli ka taagan xiisadii ka dhalatay dilkii Qaasim Suleymaani oo ahaa sarkaal awood badan oo Iiraani ahaa, kaas oo Mareykanku uu duqeyn ku dilay.