Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh maalin ka hor ka-taliyihiisa arrimaha dastuurka u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay isaga casilay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in magacaabidda Dr. Baadiyow ay mudnaan gaar ah u leedahay dowlad-dhiska iyo horumarinta nabadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa u muuqda nin aruursanaya oo dowladda uu hoggaamiyo ku soo daraya xubnaha miisaanka leh ee aqoonta durugsan u leh dowladnimada Soomaaliya.