Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay BAKOOL

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Huujaley oo hoostaga degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad, qaybta 60-aad oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay khasaare gaarsiiyeen.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in haatan ay gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay, xaaladdana ay dagan tahay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay ka fuliyeen agagaarka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in dhawaan Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.