20 sanno jir guursanaya 40 sanno jir – Waa guur ku cusub Somalia

Haasaawe ugu dambeyntii u dhaca guur ma ahan wax ceeb ka ah Somalia sababtoo ah dhaqanka dadka ayaa sidaasi bannaynaya laakiin jiilka cusub ee maanta ayaad moodaa inay arrinka dhanka kale u rogeen.

Jiilkii naga horreeyey waxaa lagu arki jiray wiil iyo gabar isku dhallin ah oo haasaawaya, laakiin jiilka maanta isbedel weyn ayey sameeyeen waana wax uu dareemi karo qof kasta oo Soomaali ah oo maanta dalka jooga.

Wiilashii dhallinyarada ahaa ee u dhexeeyey da’da 20 illaa 25 sanno jirka ayaad maanta arkeysaa iyaga oo la haasaawaya dumar ka dhallin badan isla markaana laga yaabo inay caruur nin isaga ka horreeyey usoo dhashay.

Xamar haatan caan ayuu ka noqday hadalheynta ah ‘Xabaddaan ayaan ku heystaa sababtoo ah waa dhaqan tahay’ – Taasoo kuu muujineysa sida ay dhallinta haatan dumarka ugu xushaan lacag awgood halkii uu raadsan lahaa gabar ay isku dhallin yihiin oo uu masruufo, bedelkeedana wuxuu doonayaa haweeneey isaga masruufta isna uu guursado.

Hadaba maxaa loo aaneyn karaa inuu guurkii dhallinta marin habaabay oo ay wiilashii 20 sanno jirrada ahaa dhaqaale awgeed u raadsanayaan haween ka dhallin badan bedelkii ay raadsan lahaayeen gabar ay isku dhallin yihiin? Fikirkaaga hoos inoogu reeb.