Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo weji kale u yeelay mooshinka JUBBALAND ka yaalla BFS!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu ka hadlay mooshinka laga keenay Baarlamaanka Jubbaland, isagoona meeshaba ka saaray in mooshin lagu tilmaamo.

“Dadka soo qoray waxa ay u dhigeen in ay tahay Mooshin, laakiin aniga waxaan qabaa in ay ku saleysan tahay inay tahay dad qaba cabasho, waxa meesha la keenay mooshin ma ahan, sharci ahaan, balse waa war-murtiyeed siyaasadeed in laga soo saaro ayay ku qumaneyd.” Ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Wuxuu tilmaamay inaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari looga baahnayn inuu ku sifeeyo mooshin, bacdamaa sida uu sheegay aanu Baarlamaanku wax kaalin ah ku lahayn.

“Gudoomiyaha lama rabin in uu u qiimeeyo mooshin, sababta aan saas u lee yahay waxay tahay Baarlamaanka Federalka, Maamul U Samaynta Gobalada, hadda talo u taallo ma ahan, talo wuu ku lee yahay.” Ayuu yiri Xildhibaanka oo la hadlay Idaacada Goobjoog.

Waxa uu bidhaamiyay in kaalinta Baarlamaanka Somaliya ay imaan doonto marka la dhiso Guddiga Xuduudaha iyo Federalka, oo hadana la jooggo waqtigii dadka deegaanka ay mustaqbalkoodu ka tashan lahaayen.

“Waa waqti dambe dadka meesha degan in ay iyaga aayahooda ka tashtaan dowladana ay hogaan u noqoto ayaa loo baahan yahay, laakiin waqti ayaa jirto oo Baarlamaanka Federaalka ku yeelan doono kaalin, waqtigaasina waxa waaye markii ay waxa oo dhan soo dhamaadaan, lana dhiso Guddigii Xuduudaha iyo Federalka.” Ayuu sii raaciyay Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Xoosh oo soo noqday Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federalka, ayaa wuxuu talo ahaan uu ku bixiyay in Maamulka Jubbaland uu qanciyo beelaha wax tabanaya, bacdamaa ay yihiin dadkii deegaanka uun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com