29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

200 Itoobiyaan ah oo lagu xukumay dil toogasho ah gudaha Sacuudi Carabiya

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyaad (Caasimada Online) – In ka badan 200 qof oo u dhashay dalka Itoobiya, oo ay ku jiraan dhallinyaro badan ayaa la soo sheegayaa inay halis ugu jiraan in lagu dilo maalmaha soo socda gudaha dalka Sacuudi Carabiya.

Arrintan waxaa toddobaadkii hore weriyay wargeyska internet-ka ee Addis Standard, iyadoo soo xiganaysa xog laga helay Xafiiska Dhallinyarada Tigray.

Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW), si toos ah uma xaqiijin karaan tiradan, balse waxay soo sheegeen 65 muhaajiriin Itoobiyaan ah, kuwaas oo dhammaantood lagu xukumay dambiyo la xiriira ka ganacsiga iyo haysashada daroogada, kuwaas oo hadda ku xiran xabsiga Khamis Mushait. Saddex xukun oo kale oo dil ah ayaa la sheegay in la fuliyay 21-kii Abriil.

HRW waxay ku guuleysatay inay la xiriirto ilo xog-ogaal u ah xaaladda saddex ka mid ah maxaabiistan, kuwaas oo sheegay inay yihiin qaxooti ka soo qaxeen dagaalkii dhiigga badnaa ee gobolka Tigray waqooyiga Itoobiya ee dhacay intii u dhaxeysay 2020 iyo 2022, halkaas oo xaaladda bini’aadannimo ay weli tahay mid aad u daran.

Sida ilahaas sheegayaan, waxay soo mareen jidka caanka ah ee khatarta badan ee “marinka bari,” iyagoo soo maray Jabuuti iyo Yemen, ka hor intaysan gaarin meeshii ay u socdeen, waxaana xiray booliska Sacuudiga intii u dhaxeysay 2023 iyo 2024 gobolka Abha, halkaas oo ay ka shaqeynayeen.

Maadada daroogada lagu qabtay ee ay haysteen waa Qaadka kaas oo ah geed laga mamnuucay Sacuudi Carabiya, dalkaas oo leh sharciyo aad u adag oo dhanka daroogada ah.

Qaadka waa geed ka baxa Bariga Afrika, kaas oo caleentiisa marka la calaliyo ay soo saarto saameyn kicin ah oo la mid ah maandooriyaha amphetamines.

5-tii Maajo, hoggaamiyaha kaniisadda Katooligga ee Adigrat, Tesfaselassie Medhin, ayaa codsi kal iyo laab ah u diray dhowr urur oo caalami ah iyo hay’ado bini’aadannimo oo difaaca karaamada aadanaha, isagoo raadinaya badbaadinta nolosha 200 ee maxbuus.

“Codkayga kor ayaan u qaadayaa ma aha oo kaliya hoggaamiye diimeed ahaan, laakiin waxaan markhaati ka ahay qiimaha weyn ee naf kasta oo bini’aadan ah,” ayuu ku yiri farriintiisa hoggaamiyaha kaniisadda Adigrat.

“Caqiidadayadu waxay na baraysaa in noloshu tahay hadiyad ka timid Illaah, waa mid muqaddas ah, oo aan lagu xadgudbi karin, mudanna in la ilaaliyo laga bilaabo abuurista ilaa dhammaadka dabiiciga ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay baahida loo qabo in la ilaaliyo sarreynta sharciga, wuxuu ku adkeeyay in caddaaladdu ay waxtar badan tahay marka lagu daro naxariis.Furitaanka wadahadal lala yeesho mas’uuliyiinta Sacuudiga.

- Advertisement -

Read more

Local News