Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay duleedka Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay saraakiil sar sare, waxaana kamid ah ku-simaha taliyaha qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Yoonis Aadan iyo taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60 ee Xoogga Dalka, Cali Caddow.
Sidoo kale, waxaa jira khasaare kale oo gaaray ciidanka iyo gaadiid lagu gubay dagaalka maadaama uu cuslaa, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan dowladda dhexe ayaa ka tacsiyeeyay geerida labada sarkaal, waxaana weli socda howlgal ay wadaan ciidanka Xoogga dalka
Xaalada ayaa weli kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo bannaanka magaalada Baydhabo oo ay gaareen ciidamo kale oo gurmad ah.
Ma jiro wax faah-faahin ah oo ay dowladda Soomaaliya ka bixisay dagaalkan, marka laga reebo qoraallada tacsida ee loo dirayo saraakiisha la dilay
Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo Baydhabo lagu qabtay doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed oo lagu soo doortay golaha wakiilada iyo deegaanka, sida uu maanta shaaciyay guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

