Muqdisho (Caasimada Online) – 22 ka mid ah shaqaalaha heyโadda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin, waxayna qabaan cabasho la xariirta xuquuqdii ay ku lahaayeen heyโadda oo aysan helin mudo ku dhow seddax sano.
Dhalinyaradaan oo ah shaqaalihii ugu horeeyey ee heyโadu ay qaadatay markii dib loo soo celiyey hawada Soomaaliya ayaa tababar kooban kadib loo kala diray gobollada dalka, balse xuquuqdii ay ku lahaayeen heyโadda ayaa ka maqan mudadaas.
Maareeyaha heyโadaas Axmed Macalin Xasan oo ah nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa bilo ka hor dhalinyaradaan la galay heshiis, balse hadda waxay sheegeen inuu uga baxay.
Axmed Macalin Xasan waxaa la sheegay in hadda uu qortay 22 qof oo kale, kuwaas oo sida uu qorsheynayo uu ku bedeli rabo shaqaalaha heyโadda uga shaqeeya gobollada dalka, kuwaas oo seddax sano xuquuq laโaan ahaa.
Mid ka mid ah dhalinyarada shaqo joojinta ku dhawaaqday oo Caasimada Online la hadlay ayaa yiri, โWuxuu Maareeye Axmed Macalin si cad noogu sheegay in nala ruqseynayo oo shaqaalaha cusub ee hadda uu qortay uu nagu bedelayo.โ
Heshiiska ay kala saxiixdeen 22-qof ee shaqaalaha ah iyo Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa dhigayey in dhalinyaradaan loo dalacsiiyo shaqaale rasmi ah, maadaama ay xilli adag heyโadda u soo shaqeeyeen, xaqna u leeyihiin inay xuquuq helaan, balse hadda uu ka baxay heshiiskaas oo dad cusub uu qortay.
Qoraal dheer oo ka soo baxay shaqaalaha cabashada qaba ee heyโadda duulista rayidka u kala jooga gobollada dalka ayaa lagu bilaabay, โWaxaan halkaan kuso gudbineynaa cabasho quseysa dhamaan shaqaalaha ka holwgala gobollada dalka ee Hay’ada Duulista Rayidka Soomaliyeed (SCAA). Anagoo ka cabaneyna xuquuq la’aan iyoย hormarin la’aan dhanka shaqada ah(Update Training).โ
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, โMudane Maareye, Maareye kuxigeen iyo dhaman Madaxda ay sida tooska ah u quseyso warqadaan cabashada ah, sida aad lawada socotaan waxaan shaqeyneynaa mudo ku dhow 3 sano, waliba si mutadawac-nimo ah, sababtoo ah mudadaas aan shaqeyneynay ma aanaan helin xaquuqdii aan mudnayn dhan kastaba.โ
Dhalinyaradaan oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa qoraalkooda ku shaaciyey inay goโaansadeen inay sameeyaan shaqo joojin ay ku muujinayaan shacuurtooda, iyagoo u maraya sharciga heyโadda.
In ka badan afar jeer ayey qoraalkooda ku sheegeen inay inay madaxda heyโadda Emaillo u direen, iyagoo ka codsanaya in heyโadda ay ka helaan xaqa uga maqan iyo hormarinta dhanka shaqada, balse wax jawaab ah aysan ka helin madaxdooda.
Sida aad lawada socotiin waxaa nalaga Qaadey Balamo Quseeyo dhanka Shaqada ah oo ugu horeeyo Maareyaha HDRS Md Ahmed Mo’alin Hassan, Waliba iyada oo Nagala Saxiixay Heshiisyo Hordhac ah oo Cadeyna u ah inaan helno xuquuqdeena.
โHadaba waxaan ogeysiineynaa dhamaan waaxyaha ay quseeyso warqadaan in aan sameyn doono shaqo joojin iyo banaan-baxyo aan ku muujineyno dareenkeena, Anagoo ka samay doona gobollada dalka, laga bilaabo 05/09/2022 ilaa aan ka heleyno isbadal dhab ah oo aan ku qanci karno. Shaqo joojinteenu waxay saamey doontaan xarumuha heyโaddu ay ku leedahay magaalooyinka, Baydhaba, Beledweyne, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Gaalkacyo,โ ayaa lagu yiri qoraalka dhalinyarada.