Muxuu yahay ballan-qaadka ay Jaamacadda Carabta u sameysay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay hoygiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u qaabilsan Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagay sida Jaamacada Carabta ay uga go’an tahay inay ka gacan siiyaan in xildhibaannadda Golaha Shacabka loo sameeyo aqoon kororsi, tababarada howl-wadeennadda Golaha Shacabka BJFS, arrimaha caafimaadka, iyo sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka,Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa  boggaadiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageerayso Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ahmiyad gaar ah siiyay adkeynta wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidii wax badan loogu qaban lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

Soomaaliya waxa ay Xubin buuxda ka tahay Ururka Jaamacadda Carabta iyada oo ku leh wakiilo si joogta ah uga qaybgala shirarka Ururkaas sida xalka xubno ay ku leedahay Baarlamaanka waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u qaabilsan Soomaaliya Amb. Salah Elguneid. Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagay sida Jaamacada Carabta ay uga go’an tahay inay ka gacan siiyaan in xildhibaannadda Golaha Shacabka loo sameeyo aqoon kororsi, tababarada howl-wadeennadda Golaha Shacabka BJFS, arrimaha caafimaadka, iyo sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa  boggaadiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageerayso Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ahmiyad gaar ah siiyay adkeynta wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidii wax badan loogu qaban lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.