22 ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista Hawada oo dacwo ka ah maareeyaha

Muqdisho (Caasimada Online) – 22 ka mid ah shaqaalaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin, waxayna qabaan cabasho la xariirta xuquuqdii ay ku lahaayeen hey’adda oo aysan helin mudo ku dhow seddax sano.

Dhalinyaradaan oo ah shaqaalihii ugu horeeyey ee hey’adu ay qaadatay markii dib loo soo celiyey hawada Soomaaliya ayaa tababar kooban kadib loo kala diray gobollada dalka, balse xuquuqdii ay ku lahaayeen hey’adda ayaa ka maqan mudadaas.

Maareeyaha hey’adaas Axmed Macalin Xasan oo ah nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa bilo ka hor dhalinyaradaan la galay heshiis, balse hadda waxay sheegeen inuu uga baxay.

Axmed Macalin Xasan waxaa la sheegay in hadda uu qortay 22 qof oo kale, kuwaas oo sida uu qorsheynayo uu ku bedeli rabo shaqaalaha hey’adda uga shaqeeya gobollada dalka, kuwaas oo seddax sano xuquuq la’aan ahaa.

Mid ka mid ah dhalinyarada shaqo joojinta ku dhawaaqday oo Caasimada Online la hadlay ayaa yiri, “Wuxuu Maareeye Axmed Macalin si cad noogu sheegay in nala ruqseynayo oo shaqaalaha cusub ee hadda uu qortay uu nagu bedelayo.”

Heshiiska ay kala saxiixdeen 22-qof ee shaqaalaha ah iyo Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa dhigayey in dhalinyaradaan loo dalacsiiyo shaqaale rasmi ah, maadaama ay xilli adag hey’adda u soo shaqeeyeen, xaqna u leeyihiin inay xuquuq helaan, balse hadda uu ka baxay heshiiskaas oo dad cusub uu qortay.

Qoraal dheer oo ka soo baxay shaqaalaha cabashada qaba ee hey’adda duulista rayidka u kala jooga gobollada dalka ayaa lagu bilaabay, “Waxaan halkaan kuso gudbineynaa cabasho quseysa dhamaan shaqaalaha ka holwgala gobollada dalka ee Hay’ada Duulista Rayidka Soomaliyeed (SCAA). Anagoo ka cabaneyna xuquuq la’aan iyo hormarin la’aan dhanka shaqada ah(Update Training).”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Mudane Maareye, Maareye kuxigeen iyo dhaman Madaxda ay sida tooska ah u quseyso warqadaan cabashada ah, sida aad lawada socotaan waxaan shaqeyneynaa mudo ku dhow 3 sano, waliba si mutadawac-nimo ah, sababtoo ah mudadaas aan shaqeyneynay ma aanaan helin xaquuqdii aan mudnayn dhan kastaba.”

Dhalinyaradaan oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa qoraalkooda ku shaaciyey inay go’aansadeen inay sameeyaan shaqo joojin ay ku muujinayaan shacuurtooda, iyagoo u maraya sharciga hey’adda.

In ka badan afar jeer ayey qoraalkooda ku sheegeen inay inay madaxda hey’adda Emaillo u direen, iyagoo ka codsanaya in hey’adda ay ka helaan xaqa uga maqan iyo hormarinta dhanka shaqada, balse wax jawaab ah aysan ka helin madaxdooda.

Sida aad lawada socotiin waxaa nalaga Qaadey Balamo Quseeyo dhanka Shaqada ah oo ugu horeeyo Maareyaha HDRS Md Ahmed Mo’alin Hassan, Waliba iyada oo Nagala Saxiixay Heshiisyo Hordhac ah oo Cadeyna u ah inaan helno xuquuqdeena.

“Hadaba waxaan ogeysiineynaa dhamaan waaxyaha ay quseeyso warqadaan in aan sameyn doono shaqo joojin iyo banaan-baxyo aan ku muujineyno dareenkeena, Anagoo ka samay doona gobollada dalka, laga bilaabo 05/09/2022 ilaa aan ka heleyno isbadal dhab ah oo aan ku qanci karno. Shaqo joojinteenu waxay saamey doontaan xarumuha hey’addu ay ku leedahay magaalooyinka, Baydhaba, Beledweyne, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri qoraalka dhalinyarada.