ONLF oo ka dacwootay warbaahinta DF Itoobiya, kadib kiis culus oo lala xariiriyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa si adag u beeniyey war lagu baahiyey warbahainta dawladda fedraalka Itoobiya, kaas oo sheegayey in ururka TPLF ee Tigray uu si wadajir ah ula shaqeeyo Al-Shabaab, Shene iyo ururka ONLF.

Madaxda sare ee ururka ONLF oo warbixintaas ka hadashay waxay sheegeen inay doonayaan in raal-igelin laga bixiyo warkii ay baahisay warbaahinta dowladda federalka Itoobiya, kaas oo been abuur ay ku tilmaantay ONLF.

Xoghayaha arrimaha fulinta ee ONLF Cabdiraxmaan Maxamed oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in warkaas ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka Itoobiya uu yahay xad-gudub weyn oo loo geystay ONLF, maadaama ay warbixintu sheegeysay inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso.

“Sida ay doontaba ha u dhacdee waa arrin qalad ah, wax ka jira lamahan, waana xad-gudub loo geystay urur gobanimo doon ah, haatana saameyn ku leh xisbiyada siyaasadda ee wadanka Itoobiya,” ayuu yiri Xoghaye Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay inay diyaariyeen dacwad ka dhan ah xaqiiqada warkaas oo ay u gudbiyeen madaxda warbaahinta dalka Itoobiya, madaxda sare, qaar ka mid ah hey’adaha ammaanka iyo madasha looga arrimiyo xisbiyada qaranka Itoobiya.

“Dacwadaas kadib waxaa qoraalkii laga saaray bogagga warbaahinta dowladda, in kastoo laga saaray ma jirto wax raali gelin rasmi ah oo qaladkaas laga bixiyey, balse waan sii wadeynaa dadaalka ilaa aan ka jaaseyno cidii ku kacday falkaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray masuulkaan u hadlay ONLF.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hey’adaha dowladda qaar ay ka garaabeen warkaas, isla markaana ay u cadeeyeen in  siyaasadda dowladda uusan khuseyn, balse shakhsiyaadkii ku kacay loo ciqaabi doono.

Hoos ka dhageyso