Dowladda Itoobiya oo ka hortimid barnaamij ka baxay TV-geeda oo lagu weeraray DF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa war ka soo saartay barnaamij uu baahiyey TV-ga dowladda Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray xaalaada Soomaaliya, cinwaana looga dhigay “Soomaaliya waxay soo martay dagaalka sokeeye ee ugu weyn Afrika.”

Wasaaraddu waxay qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, isla markaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya waxay ka war haysaa warbixinta aan saxda ahayn ee barnaamijka “ETV WORLD” ee ku saabsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo la sii daayay Talaadadii, Sebtember 6, 2022. Nuxurka Barnaamijka ma matalo siyaasadda dawladda Itoobiya, waana mid aan waafaqsanayn xiriirka labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Barnaamijkaas ayaa si gaara diirada u saarayey taariikhda Madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa markii uu talada yimid sanadkii 2012 iyo ilaa hadda oo dib loo doortay 15-kii May 2022. Waxay warbixintu dib u gocatay xiriirkii TPLF oo markaas ka talineysay Itoobiya iyo Xasan Sheekh.

Warbixintaas waxay u muuqatay inay Xasan Sheekh u sheegeyso rabitaanka dowladda Abiy Ahmed ee ah inuu Itoobiya u muujiyo garab istaag, si loo hagaajiyo xiriirka labada dal. Balse hadda waa iska fogeysay dowladdu.

Waxay sidoo kale ka warrantay in TPLF dooneyso inuu Xasan Sheekh qaado tallaabooyin lagu wiiqi karo qaranimada Itoobiya. Iyadoo bixisay digniin ah haddii Xasan Sheekh taageero TPLF inay ka dhalan karto argixixso ka halis badan Al-Shabaab, Soomaaliyana ay ku weyn doonto dal weyn oo xulufo la ahaa.

Hoos ka aqriso warqadda