YUUSUF Madaale oo soo bandhigay 4 qodob oo uga qorsheysan G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu uga hadlay xilka uu maanta u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad u xushay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isagoo soo bandhigay qorshihiisa.

Guddoomiyaha cusub ayaa fariin u diray shacabka gobolka Banaadir, isagoo shaaciyey inuu dib u soo celinayo halku dhigyadiisii ahaa “Hal Dollar ku dhiso dalkaaga iyo Saaxiib hagaaji hortaada.”

Sidoo kale Yuusuf Madaale ayaa balan qaaday inta uu joogo xafiiska inuu ka shaqeyn doono sidii shacabka Muqdisho ay u soo doora lahaayeen hoggaankooda iyo in gobolka Banaadir uu dowladda dhexe ka helo metelaadiisa.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Gobalka Banaadir halkan uga dirayaa salaan diiran, Intaas kadib waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha JFS mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’isulwaasaraha mudane Hamza Abdi Barre oo markale fursad ii siiyay inaan shacabkeyga Gobalka Banaadir ugu adeego sida ugu mudan, uguna hufan,” ayuu Madaale ku bilaabay qoraalkiisa.

Qoraalka guddoomiyaha cusub ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u mahadnaqaa walaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gobalka Banaadir ee soo dhaweeyay magacaabisteyda, si aan u guto wajibaadka qaran ee la ii igmaday.”

“Walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan dib u soo celino hindisihii weynaa ee ‘Hal doolar dalkaada ku dhiso’ ee aan jidadka magaalada ku dhisnay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Yuusuf Madaale wuxuu sheegay inuu dib u soo celinayo qorshihii kale ee “Saaxiib hagaaji hortaada” kaas oo xiligii uu xilkaan hayey looga shaqey jiray nadaafada iyo bilicda caasimada Muqdisho.

“Waxaa intaas dheer, inaan ka dhabeyno rajadiinii eheyd inaan helno maqaamka magaalada Muqdisho oo shacabkeedu is doortaan, hadduu alle yiraahdo iyo metelaad Gobalka Banaadir,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee galabta loo magacaabay gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale 26-kii October, sanadkii 2015-kii wuxuu Yuusuf Madaale ugu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana April, 2017-kii xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo oo soo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed.