Xasan ‘oo ballanta uga baxay’ beeshii uu ka ballan-qaaday xilka guddoomiyaha gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, nabadoonada, siyaasiyiinta, saraakiil ciidan, haween iyo dhallinyarada beesha Galmaax Yoonis ee dagta gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedka HirShabelle oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Beesha Galmaax ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeysay inuu kaga baxay ballaan uu ka qaaday oo aheyd inuu siin doono xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kaasoo maanta loo magacaabay Yuusuf Madaale oo kasoo jeeda beesha Daa’uud.

Beelaha Galmaax iyo Daa’uud ayaa labaduba ka wada tirsan beesha Wacbuudhan Abgaal.

Odayaasha beeshaan ayaa sheegay inay dhawaan kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana uu ka ballan qaaday inuu xilkan siin doono, waxayna wax laga xumaado ku tilmaameyn ballan ka baxa uu ku sameeyey.

Beesha Galmaax ayaa sidoo kale sheegtay inay madaxweyne Xasan Sheekh garab soo siiyeen xilligii uu musharaxa ahaa, sidoo kalana ay garab istaageen waqtigii Badbaado Qaran, xilligaas oo ciidankii naftiisa badbaadiyey ay kasoo jeedaan beeshan, uuna hoggaaminayey Cusmaan Xaadoole oo ka tirsan beesha Mataan Cabdulle ee Galmaax.

“Beesha Galmaax Yoonis waxay maanta isugu timid inay ka arrinsato masiirka gobolka Banaadir, Mudulood waa gogosha Soomaaliya, haddii hoos loo dhaadhacana Galmaax Yoonis nimanka la yiraahdo waa salka ay Soomaalida wada dhiganeysay, madaxweyne Xasan Sheekh xilligiisii hore beeshaan afar jago oo muhiim ah ayuu ka qaaday halmar, waa nin walaalkeen ah dagaalkiisa kuma deg degi karno balse waxaan leenahay Allaha booska kaa qaado,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha kulanka ka hadlay.

Nabadoon kale oo shirka ka hadlay ayaa yiri “Madaxweyne Xasanow Ilaahey wuxuu jecel yahay kuwa ballanta oofiya, dadkaan ballan ayaad ka qaatay, waad isku duceyseyn, waxaana kaa rabnaa ballantii aad ka qaaday Galmaax Yoonis.”

Odayaasha ayaa sidoo kale xusay in Beesha Galmaax Yoonis ay xisaab ahaan u leedahay guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxayna si cad u sheegeen inaysan aqbaleyn in xuquuqdooda cid kale la siiyo.

Ma cadda sababta Xasan Sheekh ballan ka baxa u sameeyey, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis kaga yimid dhanka beesha Daa’uud oo ah seediyaashiis, maadama xaaskiisa Sahra ay kasoo jeedo beeshan.

Beesha Daa’uud ayaa horey u haysatay xildhibaan iyo Senator, wuxuuna Xasan Sheekh ugu daray xilka guddoomiyaha gobolka, halka beesha Galmaax oo ka kooban afar jufo aadna uga badan Daa’uud ay ka haysato kaliya hal xildhibaan.

Caddaalad darrada Xasan Sheekh uu ku sameeyey beelo ka wada tirsan beesha uu ka dhashay ee Abgaal ayaa meesha ka saaraysa rajo kasta oo laga qabay inuu u caddaalad falo Soomaalida kale.

Halkaan hoose ka daawo hadalada odayaasha