Hal sano kadib markii uu ROOBLE majaxaabiyey saldanaddii FAHAD YAASIIN

Muqdisho (Caasimada Online) – 6-dii September 2021, si lama filaan ah ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u dhacay xeyndaabkii Fahad oo dhowr sano la geli waayey.

Dad badan ma fileyn xil ka-qaadistii uu Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey lama taabtaankii dowladdii hore Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaasoo laga eryey xilka taliyaha NISA.

In shaqada laga eryey Fahad waxaa uga xanuun badneyd inay sababtu aheyd tuhun ku saabsanaa dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaalad ka tirsan hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiday hadal ay sii deysay NISA 3-dii September 2021 kaasoo ahaa inay Al-Shabaab dileen Ikraan. Wuxuu sheegay Rooble inaysan gabadhaasi aadin dhanka Al-Shabaab, wuxuuna Fahad iyo NISA ka dalbaday inay la yimaadaan wax ummadda ku qanci karto.

Shantii September, Fahad Yaasiin ayaa farriin u muuqatay jees jees uga jawaabay dalabka ra’iisul wasaaraha taasi oo in keentay in 6-dii September shaqada laga eryo.

Madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isku dayey inuu diido xil ka qaadistaas iyo kuwa badan uma suurta gelin, wuxuuna ku qasbanaaday inuu Fahad u magacaabo la-taliyihiisa dhanka amniga.

Wixii markaas ka dambeeyey lama taabtaankii dowladda Fahad Yaasiin wuxuu noqday nin siyaasad ahaan nugul, cid walba oo dowladda ku jirta ayaana u bareertay, waxaana dharbaaxadaas lama filaan ah u xigay guuldarooyin badan oo siyaasadeed.

17-kii September diyaarad uu usoo saarnaa magaalada Muqdisho ayaa la celiyey iyadoo aan soo dhaafin Jabuuti. Dhaqanka safarada la siyaasadeeyo inuu isaga hindisay oo uu Jubbaland ku tijaabiyey ayaa la sheegaa.

Xubno xukuumaddii Federaalka ku jiray oo xogaha siin jiray Fahad ayuu eryey ra’iisul wasaare Rooble. Tallaabooyinka uu Rooble ku xidida siibay Fahad Yaasiin waa sii socdeen.

Wuxuu xafiiska Rooble ka shaqeeyey in la eryo guddoomiyihii guddiga doorashada heer federaal ee FEIT oo lala xiriirnayey inuu ku dhow yahay Fahad Yaasiin iyo xulafadiisa.

Sidoo kale, guddigii xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayuu Rooble ka eryey dhammaan xubnihii dhanka Fahad iyo Farmaajo ka socday.

Saameyntii Fahad ee kuraastii reer woqooyiga ayaa tirtiray ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna Fahad ku guulsareystay inuu xildhibaano u helo xubno reer woqooyi ah oo uu gacanta ku waday.

Dadka garabkiisa ka baxayo ayaa batay wixii markaas ka dambeeyey, iyadoo la aaminay in siyaasad ahaan loo jabiyey, xataa dad uu ka caawiyey inay xildhibaano noqdaan oo maamul goboleedyada qaar kasoo baxay ayaa barqo cad ka tagay Fahad kuna biiray dhinacyada kale.

Soomaaliya waa dhaqan soo jireen ah inuu markii uu siyaasi kufo laga kala tago, waxaas oo dhan waxaa ka darnaa markii uu Rooble diiday inuu Fahad xildhibaan noqdo.

Horey wuxuu Rooble u sheegay in dadka lagu tuhmayo dilka Ikraan Tahliil inuu ka hor istaagi doono inay baarlamaanka ku biiraan. Fahad oo doorasho uu marqaatiyaal badan u sameeyey ku galay magaalada Beledweyne wuxuu awoodi waayey inuu dhaafo xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo saameyn xooggan ku lahaa dhammaan dhinacyadii go’aaminayey doorashada.

Fahad Yaasiin si uu xildhibaan u noqdo wax walba ayuu sameeyey, xataa maxkamadda sare ayuu dacwad u gudbiyey si ay kursigisia u fasaxdo laakiin waa loogaga adkaaday mana muuqan xilligaas cid diyaar u ah inay kabkiisa waqti geliso xataa garsoorayaasha maxkamadda.

Tixanihii baacsiga uu Rooble ku waday Fahad wuxuu gaaray inay cid walba ku tuhunto kiiska Ikraan Tahliil walow aysan arrintaasi maxkamadeedu billaaban.

Ugu dambeyn wuxuu Fahad marqaati ka ahaa guuldaradii saaxiibkiis Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu eedeeyo inay shirko ku ahaayeen siyaasaddii hubeysneyd iyo burburinta hanaankii ay Soomaalida ku heshiisay ee federaalka.

Maxamed Xuseen Rooble inkastoo uu ku guuleystay inuu burburiyo saldanaddii eedaha badneyd ee Fahad Yaasiin, haddana lama yaqaano waxa ay taas u goyn karto mustaqbalka maadaama aad loo duro waxqabadkiisa kale.