3 arday oo walaalo ahaa oo Muqdisho lagu rasaaseeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in mid kamid ah ciidamada dowladda uu rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen arday Walaalo ahaa oo ku sugnaa degmada Wadajir.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob gaadiidka lagu baaro oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa rasaasta askariga uu gaariga ugu furay.

Seddex kamid ah ardayda gaariga saarnaa oo walaalo ahaa ayaa la sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta askariga uu furay, waxaana la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Waxa magacyada seddexda walaalaha ah lagu kala sheegay Hodan daahir, Safiyo daahir iyo Sakariye daahir, waxaana xiliga la dhaawacayay ay ku sugnaayeen bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla degmadda Wadajir ee Muqdisho.

Waalidiinta ardaydaan ayaa sheegay in dhaawacyadooda ay u muuqdan kuwo aan halis aheyn, waxaana la dhigay xarun caafimaad oo lagu dabiibayo.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka laamaha amaanka oo ay kaga hadlayaan dhaawaca la sheegay in askari katirsan ciidamada amaanka uu u geystay seddex ruux oo ku sugnaa degmada Wadajir.

Saddexda arday oo da’ ahaan isku xigta,waxaana waalidkood ay sheegeen in sanadka dambe ay dhamaynayeen waxbarashada dugsiga sare, waxa ay dhiganayeen dugsi gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Al-anwaar.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com