3 arrin oo aan ka ogaanay sirta Imaaraadka ee uu shaac ka qaaday Geelle

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi gaar ah ay la yeelatay majalada caanka ah ee Faransiiska ku soo baxda ee Jeune Afrique, ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu uga baxay heshiiskii shirkadda DP World ee Imaaraadka ee dekadda Dooraaleh.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa uu yiri “DP World weligeedna si run ah uma ay doonayn in ay horumariso dekedda Dooraaleh – Oo shaqada ay qabataa boqolkiiba 40 keliya ka noqonaysay inta ay qaban kari lahayd – sababta ay sidaas u yeelayaanna waa in ay xoojiyaan soo shaacbixidda dekedda Dubai, ee Jabal Cali. Waxa ay ku socotay in ay meesha ka saarto tartankii dekeddu ku jirtay iyada oo xakamaynaysa, iskuna soo koobaysa suuqa maxalliga ah iyo Itoobiya. Xitaa haddii ay noqonayo in markableyda shisheeyaha ee aadka u badan laga niyadjebiyo in ay dekeddayada soo booqdaan”

Hadalka madaxweyne Geelle, waxa uu shaaca ka qaaday arrimaha soo socda:-

1 – In heshiisyada Imaaraadka ee dekedaha Soomaaliya, sida Berbera iyo Boosaaso ay yihiin kuwa marnaba ujeedkoodu uusan ahayn in dekedahaas lagu hormariyo, balse ay yihiin kuwa lagu wiiqayo inay iskood ama dal kale hormariyo, si dekedda Jabal Cali ee Dubai usii ahaato tan ugu xooggan gobolka.

2 – In Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku saxneyd inay iska diido heshiiska dekedahaas iyo inay Imaaraadka kala safato Qatar, waayo waxaa cad in Imaaraadku ay Soomaaliya u joogaan kaliya inay wiiqaan Soomaaliya, balse aysan marnaba dan ka lahayn inay Soomaaliya ka caawiyaan inay cagaheedi isku taagto.

3 – In hoggaamiyayaasha maamullada Soomaaliya, si gaar ah Cabdi Weli Gaas iyo Muuse Biixi ay yihiin khaa’inu waddaniyiin aan wax dan ah ka lahayn dalka, una muuqdo kaliya dollar-ka Imaaraadkaa Carabta, sababtoo ah ayaga oo og hagar-daamada Imaaraadka, ayay haddana weli heshiis kula yihiin inay Soomaaliya dhibaateyso, una saxiixeen heshiisyo 30 sano ah, oo cawaaqibkooda aan laga soo kaban doonin muddo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com