Qatar oo qaaday tallaabo ka careysiisay Sacuudiga oo arrin yaab leh shaaciyey

Riyadh (Caasimada Online) – Saudi Arabia ayaa ku hajnabtay tallaabo miltari oo ka dhan ah Qatar, haddii dalkaas uu soo iibsado barnaamijka difaaca gantaalaha ee S-400, oo Ruushka uu sameeyo, sida uu daabacay wargeyska Le Monde ee dalka France.

Warqad uu u diray madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron, ayaa boqor Salman waxa uu walaac kaga muujiyey wada-hadallo u socda Moscow iyo Doha, oo ku saabsan iibka barnaamijka difaaca ee horumarsan.

Dowladda Sacuudiga oo ka codsatay France, inay cadaadiso Qatar, ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto cawaaqibka ka iman kara haddii Qatar ay hesho barnaamijkan, ayna halis gelin karto amniga Sacuudiga.

“Haddii tani ay dhacdo boqortooyada waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah, si meesha looga saaro habkan difaaca gantaalaha, waxaana ku jira tallaabo milatari” ayuu boqor Salman ku yiri warqaddii uu u qoray Macron, oo uu helay wargeyska Le Monde.

Bishii Janaayo, ayaa safiirka Qatar ee Ruushka uu sheegay in wada-hadallada ay kusoo iibsanayaan barnaamijkan ay gebo gebo yihiin.

Labada dal ayaa bishii October ee 2017 kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn milatari iyo mid farsamo iyo inay kasii shaqeeyaan habka difaaca, intii uu wasiirka gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu booqashada ku joogay dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
Caasimada@live.com