WIIL iyo AABIHIIS oo si arxan darro ah lagu dilay magaalada GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu toogasho ku dilay Wiil iyo Aabihiis oo ku sugnaa Hotel ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo.

Askarigaan ayaa la sheegay in mudo yar ka hor laga Ruqseeyay shaqada balse si caro leh uu u dilay Aabaha iyo wiilkiisa

Askariga oo horay shaqadiisa ugu waayay Xanuunka Neerfaha oo ku dhacay ayaa xabado ku furay dad ku sugnaa Hoteel ku yaalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxaana sidaa ugu dhintay Wiilka iyo Aabihiis.

Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Puntland oo Hotelka ku sugnaa ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilka gestay, waxaana faah faahin ka bixin doono Hay’adaha amaanka ee maamulka Puntland.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay oo ah Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii falkaasi geystay.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay, waxa uu dhankiisa ka qiray in ninkaan uu qabay Xanuunka Neerfaha, isla markaana horay looga qaaday Qorigii uu watay ,laakiin hadda ay barayaan Qoriga uu dadka ku dilay halka uu ka keenay.

Dhinaca kale, waxaan si rasmi ah loo ogeyn halka uu hubkaan ka keenay ninkaan la sheegay inuu Xanuunka Neerbaha qabay ee laga ruqseeyay Shaqada Ciidanimo ee maamulka Puntland, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in aan hubka laga qaadin markii xanuunkaan lagu arkay oo shaqada laga soo diray oo kaliya, waxa ayna tani noqoneysaa dhacdo aad u fool xun oo dadka ka yaabisay.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com