Al-Qacida oo fariin yaab leh u dirtay dhaxal-sugaha Sacuudiga Bin Salman

Riyadh (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyay wargeysyada kasoo baxa dalka Sacuudiga Kooxda Al Qacida ee fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa digniin u dirtay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman.

Kooxda ayaa Mohamed Bin Salman ku tilmaantay mid fasahaadinaaya Diinta Islaamka, isla markaana dhalanrogay dhaqanka wanaagsan ee Haweenka kasoo jeeda Sacuudiga.

Qoraal kasoo baxay Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP, ayaa waxaa lagu sheegay in Mohamed Bin Salman uu hoos u dhigay wax waliba oo wanaagsan ee ka jira Sacuudiga, waxaana looga digay danbiga ay sheegeen inuu ka galayo diinta Islaamka.

Nuqul kamid ah qoraalka digniinta ee al-Qacida u dirtay Mohamed Bin Salman ayaa ahaa ‘’Wuxuu doonayaa inuu Masaajidada ku bedalo Shaneemooyin, isla markaana uu dalka Sacuudiga u fasaxo kuwa aan diinta heysan ee looga kala yeeray daafaha caalamka’’

Qoraalka ayaa intaa kusii daraaya ‘’Rag waa weyn oo cawradooda muuqato oo gaalo ah ayuu ogolaaday inay usoo daawasho tagaan kumanaan shacab Muslimiin ah oo isugu jira haween iyo rag, taasi kama dhaqan gali doonto Sacuudiga oo u dhexeeya Muslimka oo dhan’’

Waxaa lagu sheegay qoraalka Al-Qacida in Maxamed Bin Salmaan uu gaf cad u geystay diinta islaamka, hase yeeshee waxa ay uga digeen inuu kusii dhegnaado hadafkiisa ku aadan raali galinta Dowlada Mareykanka.

Waxaa mar kale lagu yiri qoraalka ‘’ Digniinteenu waxa ay tahay mid nabar ku noqon doonto Maxamed Bin Salmaan oo aan rumeysanahay inuu ka weecanaayo wadada toosan waa inuu ka waantooba dhuminta shacabka Muslimka ah’’

Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay inuu sanadkan isbedalo badan ka sameyn doono dalka Sacuudiga.

Isagoo sheegay in bishan June haweenka dalkaasi markii ugu horeysay loo ogolaan doono inay gaadiidka gacantooda ku kaxeystaan.

Wuxuu kaloo laalay sharuuc horey dalkaasi looga mamnuucayey shaneemooyinka iyo goobaha kale ee maaweelada.

Kooxdan ayaa dalka Yemen ka dagalanta muddo badan, waxa ayn halkaa ka geystaan gumaad lixaad leh oo ay u geestaan shacabka iyo shaqaalaha maamulka Yemen.

Geesta kale, Goobaha ay Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP kaga noolyihiin dalka Yemen ayaa waxaa sidoo kale ka dhaca duqeymo diyaaradeed oo ay geystaan Xulafada Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com