Xog: Madaxweyne Xaaf oo safar qarsoodi ah ku tagay magaalada GAROOWE

Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ay kulan aan horay loo shaacin ku yeeshen Magaalada Garowe ee maamulka  Puntland.

Axmed Ducaale ‘’Xaaf’’ oo socdaalkiisa magaalada Garoowe u kireystay diyarad gaara ayaa ka duulay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la socday ciidamo isaga ilaalo u ah iyo qaar ka mid ah Xoghayntiisa, Safarkiisa kuma aysan wehlinayn Siyaasiyiin ama Xildhibaano.

Kulanka oo si gaara ugu dhexeeyay Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas iyo Axmed Ducaale Xaaf oo ah Hogaamiyaha maamulka Galmudug, waxa ayna si qoto dheer uga wada hadleen degnaanshiyaha laga dareemayo magaalada Gaalkacyo, Nabadda iyo Daris wanaaga ka dhexeeya labada maamul.

C/weli Gaas iyo Xaaf ayaa isla soo hadal qaaday Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug iyo Kaalinta ay ka qaadankaraan Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda oo mas’uuliyada koowaad ay ka saran tahay xalinteeda.

C/weli Gaas oo casuumaada u sameeyay Xaaf, ayaa sheegay in Puntland ay daris la tahay Galmudug, sidaa aawgeed ay mas’uuliyad gaara ka saran tahay xalinta Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan Madaxda Galmudug.

Illo wareedyo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa xaqiijiyay in Hogaamiye Xaaf  uu xalay ku hoyday Magaalada Garowe, waxaana lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Illo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Hogaamiye Gaas iyo Xaaf ay isla fahmeen in kulamo gaara lala qaato Madaxda Galmudug ee iminka carada la fadhiya magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudu, waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in si dhaqsi ah lagu qaboojiyo khilafka.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa safarkiisa Garoowe loo badinayaa inuu la xariiro sidii Puntland fara galin ugu samayn lahayd maadama Madaxweyne Gaas Guddoomiye u yahay madasha maamul goboleedyada.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com