3 ARRIN oo muujinaaya in Cabdi Iley uusan usii ahaan doonin madaxweyne DDSI

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dowlada isbedel doonta Ethiopia ay wado qorsho xilka looga qaadayo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Qorshaha ay Ethiopia ku laaleyso Cabdi Iley ayaa looga gol leeyahay in dowlada Isbedel doonka Ethiopia ay ku kasbato Soomaalida kasoo jeeda Kililka Shanaad oo caburin lagu hayay dhowrkii sano ee ina dhaaftay.

Isbedelka lagu saarayo Cabdi Iley ayaa waxaa hormuud ka ah Ra’sul wasaare Abiy Axmed oo aan isagu la dhacsaneyn maamulada kasoo hara xukuumadii uu talada dalka kala wareegay sida maamulka Soomaalida iyo Oromada.

Sii joogitaanka Cabdi Iley ayaa caqabad hor leh u horseedi kara Maamulka Abiy Axmed oo u muuqda mid dib u saxaaya khaladaadkii horay u dhacay.

Marka la eego Siyaasad uu hiigsanaayo Ra’isul wasaaraha isbedel doonka Ethiopia Abiy Axmed waxa uu Cabdi Iley xilkiisa ku weyn doona arrimaha kala ah:-

1 – Xadgudubyadii ka dhacay xabsiga Jeel Ogaadeen ee dhowaan la xiray, oo uu Cabdi Iley ku eedeeyey madaxii hore ee sirdoonka Ethiopia, taasi oo xisbiga talada haya ee Tigreega si carro leh uga jawaabeen.

2-Sii shaqeynta Cabdi Iley waxa ay sii xoojineysaa colaada dhiiga badan ku daatay ee Soomaalida kala dhexeysa Oromada, iyadoo taasi ay soo dadajineyso fashilka Xukuumada Abiy.

3-ONLF oo shirkii ay Ra’isul wasaare Abiy Axmed kula galeen magaalada Asmara ee dalka Eriterea kusoo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay in meesha laga saaro maamulka hadda ka arimiya DDSI ee uu hogaamiyo Cabdi Iley.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed qudhiisa kuma qanacsana howlaha uu hayo Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), waxa uuna khudbadihiisa hore ku sheegay inuusan la shaqeyn doonin maamul caqabad u horseedi kara midowga Ethiopia.

Isbedelada Abiy Axmed ee lagu saadaalinkaro kan kusoo fool leh DDSI waxaa kamid ah in tabashooyinka xisbiyada mucaaradaka Oromada ay xilka ku wayeen ku dhawaan 7 Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo si fool-xun kula dhaqmi jiray Hogaamiyayaasha iyo Xubnaha Mucaaradka.

Sidoo kale, isbedelka kusoo fool leh maamulka DDSI waxaa ifafaalo u ah Madaxweynaha maamulka Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo shacabkiisa ka dalbaday cafis, isagoo sidoo kale albaabada u xiray Xabsiga weyn Jeel Ogaadeni oo lagu ciqaabi jiray ONLF.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasadaha iminka ka socda Ethiopia ayaa muujineysa in Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) uu weyn doono xilkiisa, si ay Ethiopia cabsi la’aan kula soo baxdo shidaalka ku jira dhulka Soomaalida oo hadda la rumeysan yahay inay caqabad ku yihiin ONLF.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com