3-da farac ee DF Somalia oo noqday hal kaliya kadib markii BF la afduubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay shir jaraa’id qabtay tiro xildhibaanno ah oo eed u jeediyey guddoonka baarlamaanka oo ay ku tilmaameen in aysan doodda golaha ee musuqii lagu soo eedeeyey xukumadda ka ahayn dhexdhexaad.

Golaha baarlamaanka ayaa dhawr maalmood ka hor looga dooday musuqii lagu soo eedeeyey xukumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre kaddib markii gudiga maaliyadda ee golaha shacabka ay shaaciyeen in ay la musuq maasuqay dhaqaale deeqo ahaa gaaraya 40 milyan.

Hase ahaatee, xukumadda oo hortimid golaha ayaa iska difaacday eedemahaas iyada oo uu guddoonka sheegay in wadaddii ay gudiga mareen aysan waafaqsaneyn sharica sidaasna ku tahay mid aan waxba ka jirin.

Xubinhii baarlamaanka ee markii hore qeyb ka ahaa eedda xukumadda loo jeediyey ayaa shir jaraa’id ay qabteen ku sheegay in la doc faruuray dooddii oo uu gudoonka dhinac la saftay.

Maxaa arrintaas macnaheedu yahay

Sida muuqata go’aankaas waxa uu horseedi doonaa in golaha uu u kala jabo laba qeyb oo ay adkaato in mar dambe laga doodo arrimiaha noocaas ah iyo waliba waxyaabo kale oo wax ku ool u ah dowladnimada dalka.

Xubnaha shalay hadlay waxa ay qisheen in golaha oo markii hore ay ka buuxeen Wasiiro ahaa xildhibaano ay afduubeen golaha sharci dajinta oo ay meesha ka baxday isla xisaabtankii goleyaasha dowladda ama waxa loo yaqaan korjoogteynta (Check and Balance).

Ma aha arrin ugub ah in guddoonka baarlamaanka lagu eedeeyo in uu u afduuban yahay xukumadda tan iyo markii meesha laga saaray guddoomihii hore Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamanka Mursal iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad, ayaa ku xiran xukuumadda, taasi oo saddexdii qeyb ee dowladda (Xukuumadda, baarlamanka, garsoorka), kusoo koobeysa hal qeyb oo ah xukuumadda, maadaama baarlamanka la safan yahay, garsoorne uusanba jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com