Xubnaha difaacaya Kheyre oo ayaga aan is-ogeyn dambiga ku qiraya (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib warbixintii guddigha maaliyadda baarlamanka ee banaanka usoo saartay musuq-maasuqa xukuumadda Kheyre, ra’iisul wasaaraha ayaa dagaal siyaasadeed billaabay isaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah xubnaha guddiga oo xukuumadda ku xiran, kuwaasi oo soo saaray qoraalo lagu taageerayo xukuumadda.

Hase yeeshee marka aad si wanaagsan u eegto qoraaladooda iyo habka ay u difaacayaan xukuumadda, waxaa kusoo baxaysa in ayaga oo aan is ogeyn ay xukuumadda ku qirayaan xatooyada markii hore ay warbixinta guddiga ku eedeysay xukuumadda. Bal si wanaagsan u fiirso qodobada hoose, kadibna is-weydii.

1 – Xubnaha guddiga ee tobanka gaaraya ee taageerada u muujiyey xukuumadda kadib warbixinta, iyo kadib markii uu Kheyre lasoo hadlay, waxay ku doodeen in kooramkii baarlamanka ee lagu soo bandhigay warbixinta uu ahaa mid aan buuxin, sidaa darteedna aysan sharci ahayn warbixinta guddiga maadaama sida ay sheegeen sharciga la hareer maray.

2 – Xubnahan waxay kale oo ku doodeen in warbixinta guddiga aysan ahayn mid loogu talo-galay in lasoo bandhigo ama warbaahinta lala wadaago ayna ahayd mid u gaar ah baarlamanka, sidaas darteedna ay qalad tahay warbixintaas.

Marka aad labadaas qodob u fiirsato waxaa kuu soo baxaya laba su’aal oo kuu xaqiijinya in xubnaha guddiga ee difaacaya xukuumadda ay xaqiiqdii ayaga oo aan is ogeyn dambiga ku xaqiijinayaan ra’iisul wasaaraha, bal is-weydii labadan su’aal.

1 – Xubnaha ilaa iyo hadda waxay dood ka qabaan habka warbixinta loo soo bandhigay. Weli lagama hayo dood ku saabsan sax ahaanshaha warbixinta, mana beeninayaan waxa meesha ku qoran. Haddii difaacooda xukuumadda uu yahay mid sal leh, maxaysan ugu doodin sax ahaanshaha warbixinta intii ay ka doodi lahaayeen arrimo farsamo?

2 – Haddii ay dood ka qabaan warbixinta, maxaysan uga doodin inta aan la shaacin ama maalintii lasoo bandhigay, maxay ugu qaadatay dhowr maalmood inay jawaab soo saaraan. Tani soo ma muujineyso in lala soo hadlo oo kaash uu gaaray ama dano kale oo siyaasadeed ay dhaqaajiyeen?

Xaqiiqda ayaa ah in xukuumadda aysan hayn wax ay isku difaacda iyo caddeymao muujinaya halka ay ku maqan tahay lacagta malaayiinta dollar ah ee lagu helay in ay musuq-maasuqday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com