Guddoonka baarlamanka K/Galbeed oo beeniyay arirn aad loo hadal hayay

Baydhabo (Caasimada Online) – Ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed ahna guddoomiyaha baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa beeniyay Faragelin dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada Koofur Galbeed.

Wuxuu si cad u sheegay inaysan jirin faragelin dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada Koofur Galbeed, islamarkaana arintaasi ay tahay mid laga bad badiyay, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa intaasi u daray in hadda Koofur Galbeed ay isku filan tahay, maadaama uu ka jiro guddi doorasho, golle wasiiro oo shaqeynaya, baarlamaanka iyo madaxweyne KMG ah oo xilka ku wareejinayo madaxweynaha la doortay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay dhamaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka, Koofur Galbeedna ay kamid tahay meelaha ay masuulka ka tahay.

Balse wuxuu sheegay in sidaasi oo ay masuul uga tahay haddana inaysan wax faragelin ah ku sameyn arrimaha doorashada Koofur Galbeed, waxaana maalinta beri ah magaalada Baydhabo ka dhacaya doorashada madaxweynaha.

Waxaa uu meesha ka saaray eedaha la xiriira in dowladda Federaalka ah ay faragelin ku heyso Koofur Galbeed ,waxaana uu xusay in wixii farsamo ah ee ay dowladda dhexe uga baahdaan weydiisan doonaan haddase ay iyagu isku filanyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com