Khilaafkii dowladda dhexe iyo maamullada oo lagu dhawaaqay in lasoo afjaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda  ayaa Ku dhawaaqay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Iyo Maamul Goboleedyadda.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa.

Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha  Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda.

Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaan weli wax war ah kasoo saarin in la dhameeyey Khilaafkaan iyo in kale, inkastoo Faroole uu yahay Mas’uulkii uu Aqalka Sare u saaray xallinta khilaafkaan mudada badan soo jiray.

Dhawaan ayaa lagu waddaa in uu dhexmaro kulan Maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,kaasoo lagu shaacin doono kulankii ugu horreyay ee yeeshaan labadda dhinac tan iyo markii uu bilowday Khilaafka.

Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.

Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:

1. Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.

2. Ka howlgelidda dhismaha  ciidama qaranka iyo sugidda amniga.

3. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.

4. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.

6. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.

7. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran

8. Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe

Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka

Go’aanka waxaa lagu saleeyey tabashooyin u dhaxeeya hey’ado isku dowlad ah oo leh shakhsiyad sharci, si waafaqsan dastuurka kmg ee Soomaaliya, kaas oo ku soco-la’aantiisa ay waxyeello u geysaneyso qabashadii adeegyada ay dadka iyo dalka u hayaan hey’adaha dowliga ah ee dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com