Farmaajo: “Waali ayuu ku dhow yahay XANAAQA siyaasiyiinta mucaaradka”

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaaa mar kale weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladiisa ee uu ku sheegay siyaasiyiinta xanaaqsan, isagoo xalay magaalada Nairobi kula hadlay qaar ka mida jaaliyadda Soomaalida.

Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ayaa inteeda badan ahayd difaaca isbaheysiga uu la galay dalalka Itoobiya iyo Eritrea iyo weerar uu ku halgaaday siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee ay ka mid yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Wuxuu sheegay inay siyasiyiinta xanaaqsay ay muddo wadeen Borobogaando siyaasadeed oo ku saabsan amniga dalka iyo inuu sii xumaaday, markii sida uu yiri ay taasi ku guul darreysten ayay u wareegeen arrin kale oo ku saabsan dhaqaalaha, isagoo tilmaamay Warbixintii Guddiga Maaliyadda, laakiin wuxuu ku faanay inay iyadiina soo af-jareen.

“Siyaasiyiinta careysan waxaan u sheegeynaa waqtigiina waa dhamamaday… ayaamo hore waxay wadeen inay yiraahdaan… dowladda amniga waa ku fashilantay… waa shaqeyn weyday… hadda waxay yiraahdeen: Nidaamkii Maaliyadda waa fashilmay…. dad badan oo shisheeya sida IMF iyo World Bank ayaa noo qiray inaan nahay dowlad nadiif ah.. waxay bilaabeen inay dhaqaale na siiyaan.. iyaguna waxay leeyihiin… maya waa inaan dhaqaale la siin… kuwaasi dadka shakiga gelinaya yey u daneynayaan..? wax kale maaha xanaaqii ayaa ka batay, qofku hadduu xanaaqu ka bato wuxuu u dhow yahay nooc waalli ah… ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay inay dowladiisa soo xirtay Kanaalo ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka heli jireen biyaha oo dalal dibadda ah ay ku xirnaayeen, ayna sii xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin dowladaha dibadda iyo kuwa deriska ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com