3 ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ee Galmudug oo isbaheysi ku dhowaaqay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta isbahaysi uga dhowaaqay magaalada Dhuusomareeb kadib kulan ay yeesheen.

Isbahaysigan ayaa waxaa ku midoobay C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Xisbiga UPD, Kamaal Dahir Guutaale oo ka tirsan Xisbiga Wadajir iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo horey u ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

C/llaahi Faarax Wehliye kama tirsana xisbiyada mucaaradka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu haysto taageerada kooxda Ahlu-Sunna, oo 20 xildhibaan ku leh baarlamanka Galmudug.

Isbaheysiga saddexdan musharax ayaa ujeedkiisu yahay inay u midoobaan musharaxa ay dowladdu wadato ee Qoor Qoor, una xaqiijiyaan in midkood uu guuleysto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale xooggan iyo awood iyo ciidan isugu gaynaysa sidii ay madaxweyne uga dhigi lahayd Qoor Qoor.

Saddexdan musharax ayaa isbahaysiga sameystay kadib markii ay arkeen ficillada dowladda, howsha ka socota Dhuusamareeb iyo in dowladdu ay dhex dhexaad ka aheyn hanaanka doorasho.

Isbahaysigooda ayaa halis ku ah rajada Qoor Qoor, waxaana la rumeysan yahay inay haddii ay isku geeyeen awooddooda ay haystaan taageero ku filan in midkood uu noqdo madaxweyne, kana adkaadaan madaxweyne la wato ee Qoor Qoor.