Xildhibaano xujo adag lagu xiray si loo siiyo kaararka iyo DF oo arrimo yaab leh ka bilowday Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka labaad ee Galmudug ayaa sheegay in xubno ka mid ah xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay diideen in ay bixiyaan karaka Aqoonsiga, islamarkaana lagu xujeeyey inay u codeeyaan mid ka mid ah musharaxiinta guddoonka baarlamanka si karaka loo siiyo.

Xildhibaanada ayaa sheegay in hadda aysan heysan wax aqoonsi oo caddeynaya in ay yihiin xildhibaano, si ay u codeeyaan.

Xeeladdan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay tahay mid la doonayo in lagu xaqiijiyo inaysan codeyn xildhibaanada aan taageeresaneyn musharaxa dowladda ee Dr. Maxamed Gacal.

Walaac badan ayaa laga muujiyay sida lagu kala aqoonsan doono xildhibaanada iyo dadka caadiga ah xilliga doorashadda guddoonka baarlamaanka, waxaana suurta-gal ah inay codeeyaan dad aan xildhibaano ahayn.

Dhinaca kale, wasiiru dowlahii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Wehliye Faarax, oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha, ayaa sheegay in xubno ka mid ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ay handaad ku hayaan xildhibaanada Galmudug ee dhawaan lasoo dhisay.

Waxaa uu sheegay in lagu amray in aysan la kulmi karin musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimadda Galmudug, islamarkaana liiska laga saari doono shaqsigii salaama musharaxiinta aan ka aheyn midka dowladda.

Cabdullaahi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dhibaato badan ku heyso degaanada Galmudug, islamarkaana haddii aan wax laga qaban dhibaatooyin badan ay ka dhalan doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale ku bixineysa sidii Galmudug madax looga dhigi lahaa shaqsiyaad ay wadato oo aan ku iman rabitaanka dadka deegaanka.