Xukuumada Muuse Biixi oo WAR ka soo saartay lixdii nin ee ay toogatay shalay

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa war ka soo saartay dilkii ay saaka Ciidamadeedu ku fuliyeen Lix Nin oo maxaabiis ahaa.

Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay sababaha ka dambeeyay dilka Lixdaasi maxbuus iyo magacyadooda.

Qoraalka xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay dilalkii ay hore u geysteen Lixdaasi Nin ee shalay lagu toogtay xabsiga Mandheera.

Hoos ka akhriso qoraalka Xeer ilaalintu soo saartay:

“Iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.

2: Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Ismaaciil Faarax Maxamad.

3: Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

4: Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Ceydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaas oo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuum Idiris Daa’uud Jaamac.

6: Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Garaad Aadan Maxamad”.