Sawirro: Maxay ka wada hadleen Biixi iyo Ben Fender?

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wuxuu xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Wuxuuna Madaxweyne Biixi uga mahadnaqay safiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi.

Safiirkuna waxa uu dhinaciisa sheegay in ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dhinac iyo in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.