Uganda oo askar howlgab ah u soo direysa Soomaaliya

Kampala (Caasimadda Online) – Arbacadii Shalay aheyd Taliska Milatariga Ciidamada Uganda ayaa dib ugu yeeray 2,752 kamid ah arkarta howlgabka ah ee dalkaas si ay uga mid noqdaan Howlgalka Midowga Africa ee mudada ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada keydka ee Uganda Charles Otema ayaa cutubyada howlgabka ah ee loo dirayo Soomaaliya ku amray inay ugu dambeyn kusoo xaroodaan asbuuca soo socdo kadib qoraal uu soo saaray.

Sida uu sheegay Charles Otema , Ciidamadaan loo soo dirayo Soomaaliya ayaa waxay ku kala biiri doonaa Guutooyinka 31-aad iyo 32-aad ee howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ka socdo .

Askarta Howlgabka ah oo ay Uganda ku biirin doonto howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa ah kuwa heysta darajada Gaashaaanle iyo wixii ka hooseeya.

Shuruudaha laga rabo askartaas loo soo dirayo Soomaaliya ayaa kala ah:

1) Inuu askariga yahay 55 jir ama wax ka hooseeyo.

2) Inuusan askariga horey u gelin wax fal dambiyeed ah.

3) Inuu Caafimaad qabo maskax ahaan iyo jir ahaanba.

Gen Otema ayaa tilmaamay in Ciidamadaan loo furi doono tababar afar maalin ah oo bilaabanayo 20 January kadibna loo dirayo Soomaaliya si loogu kordhiyo howlgalada ciidamada UPDF ee ka hoos shaqeeya AMISOM.

Taliyaha oo wax laga waydiiyey sababta ay ciidamada Howlgabka ah ugu diyarayaan Soomaaliya ayaa ku dooday inay Uganda hadda ka hor sanadkii 2012 sidaan oo kale ciidamo howlgab ah ugu dirtay kuwaas oo ku guuleystay inay xoreeyaan Waqooyiga Muqdisho.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in qodobka 17-aad ee Dastuurka Jamhuriyada Uganda iyo Qeybta 31-aad ee Sharciga Difaaca Shacabka Uganda ee soo baxay sanadkii 2005 uu awood u siinayo taliyaha Guud in uu amro dhammaan ama qeyb kamid ah ciidanka keydka in ay dib ugu soo noqdaan Shaqada muddo uu isaga go’aan ka gaarayo.

Howlgalka Midowga Africa oo Soomaaliya ka socdo muddo 10 sano ka badan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah dowladaha Kenya, Jabuuti, Burundi iyo Itoobiya.