Muuse Cali iyo odayaal ku xirnaa Boosaaso oo la sii daayey kadib xaalad deg deg

Boosaaso (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso kasii daayay siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo mid ka mid ah odayaashii la xirnaa sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo magaalo madaxda gobolka Bari.

Sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari, Dr. Muuse Cali Jaamac iyo Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe ayaa laga sii daayay xabsiga weyn kadib markii xaalad caafimaad darro soo wajahday.

Wararka waxey intaas ku darayaan in labada masuul lagu sii daayay damaanad, si loo baxnaaniyo xaaladooda caafimaad

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Bari ay saddex bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 500$ ku xukuntay Muuse Cali Jaamac, Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Aadan Maxamed.

Maxkamadda kaliya saddexdaas ma xukun, sidoo kalana waxey ganaax lacageed oo dhan 1,000 Dollar (Kun Dollar) iyo xukun xabsi laba sanadood ah ku riday Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo iyo Nabadoon Maxamud Adan Roble, marka laga tago labada masuul ee xaaladda lagama-maarmaanka ah lagu damiintay inta kale xabsiga ayey ku xiran yahiin.

Xukmanayaashaan ayaa lagu eedeeyay iney sameeyeen kicin dadweyne iyo aflagaado ka dhan ah madaxda Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa jooga Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxeyna ujeedadiisu tahay inuu odayaasha dhaqanka kala hadlo Cabashooyinka ay qabaan.